April 22, 2014 | Posted by admin

Al Shabaab oo sheegatay Masuuliyada dilka Xildhibaan C/casiis Isaaq Mursal (Afar Indhood)
Ururka Al Shabaab, ayaa maanta sheegtay Masuuliyada dilka Xildhibaan C/casiis Isaaq Mursal, oo ay dadku u garanayeen Afar Indhood, kana mid ahaa Xildhibaanada Baarlamaanka.

Ururka Al Shabaab, ayaa bogga ku hadla afkooda ku baahiyay in ay iyagu toogteen Xildhibaan Afar Indhood, markii ay ku eedeeyeen in uu qayb ka ahaa Xildhibaanada Baarlamaanka.

Shabaabku waxay ku goodiyeen inaanay faro ka qodnayn, isla-markaana ay jiri doonaan tiro kale oo Xildhibaano ah, oo ay qorsheynayaan sidii ay ifka kaga musaafurin lahaayeen.

Dagaal-yahanada Shabaab, ayaa shalay Magaalada Muqdisho ku dilay Xildhibaan Isaaq Maxamed Cali (Riino), halka ay ku dhaawaceen Xildhibaan Cali Dhuux.

Xildhibaan Afar Indhood waxaa maanta isna lagu dilay Degmada Dharkiinley, xilli la sheegay in uu hoygiisa ka soo baxaayay, kuna sii jeeday Xarunta Golaha Shacabka.

COMMENTS