July 23, 2014 | Posted by admin

Malleeshiyada Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilkii marxuumad Saado Cali Warsame oo maanta lagu dilay magaalada Muqdisho.

Af-hayeen u hadlay Al-Shabaab oo lagu magacaabo Cabdicasiis Abuu Muscab ayaa u sheegay BBC-da in dilka marxuumad Saado uu ahaa mid qorshaysan oo ay fulisay kooxdu.

Wuxuu intaas ku daray  in Saado ay ku dileen mowqifkeeda siyaasadeed ee aysan ku dilin arrimo la xiriira fanka oo ay uga jirtey kaalin fir-fircoon.

Alle ha u naxariistee, marxuumad Saado Cali Warsame oo xubin ka ahayd xildhibaannada baarlammaanka Soomaaliya ayaa koox hubaysani saaka ku dishey magaalada Muqdisho, waxaana la geeriyoodey wadihii gaari ay saarnayd marka la dilayey.

COMMENTS
  1. ahmed said:

    waxaan ka xumahay dadka soomaliyeed ee dhiigoodu uu daadanayo habeen iyo maalinba waxaan dhaliil u dirayaa dowlada dhexe waa in ay latimaato qaab kan kabadalan oo lagu bad badiyo maatida soomliyeed iyo dadaka wax ku oolka ah waa in ay kaashato dadka yaaqana qaabka wax looga badalo markey timaato xaladan oo kale. iyo kuwa ka xunba,ama cakiran,waxaan u bahanay nabad kaliyo iyo umada oo is fahanta umahanin dagaal iyo .qabyaalad.iyo wixii 1990 wuu dhamaaday basnaga dhaha.please please wan idin baryeynaa walalaalow basnaga dhaha