December 25, 2012 | Posted by admin

Wararka aan ka heleyno magaalada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamada kooxda Al-shabaab ay gowraceen macallin dugsi oo ay ku sheegeen inuu basaas u ahaa culimaa’udiinka Ahlu sunnah waljamaacah.
Dad goob joogayaal ah oo aan la hadalnay ayaa noo xaqiijiyay in kooxda Al-shabaab ay qudha ka jartay macallinka dugsi oo lagu magacaabi Jiray Macallin Tahliil Aweys Xaaji, wuxuuna kamid ahaa macallimiinta wax ka dhigta dugsiyada quraanka magaalada Ceelbuur.
Kooxda Al-shabaab oo macallinka afduub u heysatay habeenkii xalay ahaa ayaa la sheegay in Salaasada saaka ah ay meydkiisa dadka deeganka ugu soo bandhigeen bartamaha magaalada Ceelbuur, waxaana horjoogayaasha Al-shabaab ay dadka deegaanka ugu hanjabeen in sidaasi oo kale ay u gowraci doonaan cidii lagu helo falal “jaajuusnimo”.
Kooxda Al-shabaab ayaanan soo bandhigin cadeymo muujinaya in macallinka ay bireysay uu kamid ahaa Ahlu sunnah waljamaacah, waxaana arrintani werwer ballaaran ka muujiyay macallimiinta dugsiyada quraanka ee magaalada Ceelbuur.
Xiriirro aan la sameynay culimaa’udiinka AHSWJ ayaanan noo suurta galin inaan kala hadalno hadii uu la shaqeyn jiray macallinka dugsi ee iyagoo lala xiriirnayo lagu dilay magaalada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.
Kooxda Al-shabaab oo dhawaan baneysay magaalada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, ayaa maalin ka hor ku laabatay magaaladaasi iyadoo goob fagaaro ah dadka deegaanka ugu sheegtay inay isdajiyaan.

COMMENTS