December 10, 2012 | Posted by admin

Degmada Cadale waa degmo dhanka Bari kaga taal gobolka Shabeelaha Dhexe waxaana in badan gacanta ku hayay Alshabaab.

Wararka iminka aan ka helayno degmada Cadale ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in ciidamada Alshabaab ay isaga baxeen degmadaasi Cadale.

Warar hoose oo aan helayno ayaa sheegaya in ciidamada Alshabaab ay isaga baxeen degmadaasi,laakiin dadka qaarkii oo aan la hadalnay ayaa cabsi darteed ay kaga gaabsadeen inay ka hadlaan ka bixitaanka Alshabaab.

Wararka aan helayno ayaa sheegaya in Alshabab degmada ay kasii wateen gaari yar oo loo yaqaan Biijada waxaana lahaa dadka deegaanka oo lagu magacaabo Jimcaale.

Jawiga magaalada Cadale ee gobolka Sh/dhexe ayaa waxa hadda lagu soo waramayaa in xaaladu ay tahay mid deggan iyadoo dhinaca kale la hadal hayo shabaabka magaalada ka baxay.

COMMENTS