August 30, 2014 | Posted by admin

Ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM ayaa qabsaday maanta deegaanka Gol-weyn ee gobolka Shabeellada Hoose oo qiyaast15-KM u jira Buulo-mareer oo ahayd xarunta labaad ee Al-shabaab ay gobolkaas ku lahaayeen.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo weerar ay saaka aroortii ciidamada huwanta ah ku qaadeen deegaannada ay gobolkaas kaga sugan tahay Al-shabaab ayaa sheegaya in deegaanka Buulo-mareer ay ka barakaceen dhammaan dadkii ku noolaa.

“Deegaanka oo dhan waa laga barakacay, ma jirto cid hadda ku sugan” ayay tiri mid ka mid ah haweenkii saaka ka barakacay deegaankaas oo ku sugnayd meel aan ka fogeyn Buulo-mareer.

Haweeneydan oo sababo ammaanj u diiday inay magaceeda sheegto ayaa intaas ku dartay in xoogagga Al-shabaab ay amar ku siiyeen dadkii ku noolaa Buulo-mareer inay ka baxaan, qofkii ku harana ay u aqoosan doonaan inay la shaqeyso dowladda Sooamaaliya iyo ciidamada AMISOM.

Buul-mareer ayaa labadii maalmood ee ugu dambeeyay waxaa ka socday barakac xooggan oo ay sameynayaan xubnaha Al-shabaab ka tirsan iyo shacabkii ku noolaa, iyadoo howlgalkan ay saraakiisha dowladda iyo AMISOM ku sheegeen inuu yahay mid Al-shabaab looga sifeynayo dalka oo dhan.

Dhanka kale, wararka ayaa waxay sheea gayaa in ciidamada dowladda ay hadda ku wajahan yihiin deegaanka Buulo-mareer oo ay ku xugan yihiin xoogag Al-shabaab ka tirsan, kuwaasoo isku diyaarinaya inay ka hortageen weerarka ciidamada is-bahaysanaya.

Saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa dhawaan sheegay inay si rasmi ah u billaabeen howlgalka la-dagaalanka Al-shabaab wajigiisii labaad, iyadoo haddii laga qabsadoAl-shabaab Buulo-mareer iyo Baraawe ay ku noqonayso dhabar-jab kale oo kasoo wajahay dagaallada looga horjeedo.

Al-shabaab ayaa sheegtay inay dagaallo ka socdaan gobolka Shabeellada Hoose, balse ma jirto faahfaahin intaas ka badan oo ay bixiyeen, iyadoo dadkii barakacay qaarkood ay gaareen degmada Baraawe ee gobolkaas oo iyaduna uu walaac weyn ka taagan yahay.

COMMENTS