July 8, 2012 | Posted by admin

DUHUR-Wararka ka imaanaya Degmada Ceel-buur ee Gobolka Galgaduud ayaa tibaaxaya inay Degmadaas isaga baxeen galabta Ciidamadii Xarakada Al-Shabaab ee  indha- waalabba ku sugnaa degmadaas.

Wararka ayaa intaa kudarayo in kabixitaanka Al-Shabaab ee Degmada Ceel-buur ay  kadanbeeysay  kaddib markii uu culeeys ka soo wajahay ciidamada  Maamulka Ahlu sunna Waljamaaca Ee ka howlgala Gobolka Galgaduud .

Sida ay   sheegeen Mas’uuliyiin katirsan maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca, Al Shabaab ayaa isaga baxay degmada  Ceel-buur.

Cabdi Xasan Maxamed oo ku magacdheer  Biyo-quute , Oo ah taliyaha Ahlu Sunna ee degmada Ceelbuur  ee Gobolka Galgaduud, ayaa  isagoo ku suggan deegaanka Wara-dhuumaleh,  waxaa uu warbaahinta u sheegay in ay ciidamadoodu hadda ku sugan yihiin duleedka Ceelbuur Gaar ahaan tuulada lagu magacaabo Darri ,  Biyo-quute ayaa tilmaamay inay saacadaha soo socda gudaha u galli doonaan Magaalada Ceelbuur, oo uu sheegay ineey faarujiyeen  Ciidamadii Al-Shabaab Ee degmada Maamulayay.

Dhanka kalle Taliyaha Ciidamada Ahlusunna ee Degmada Ceel-buur  ayaa ku eedeyay  Xarakada Al-Shabaab inay dhibaatooyin u gaystaan dadka  shacabka  ah ee ku nool degmada, kuwaasoo oo uu sheegay inay ugu danbeeysay Shiikh Caan ka ahaa degmada oo uu sheegay inay Al-Shabaab Dhegta  dhiiga u dareen.

Cabdi Xasan Maxamed ayaa shacabka ka codsaday  inay guryahooda ku nagaadaan ayna is dajiyaan, waxa uuna balan qaadday  ineey sugi doonaan amaanka dadka shacabka ah ee ku dhaqan  Degmada Ceel-buur iyo Nawaaxigeeda.

Majiraan warar madax banaan oo xaqiijinaya ka bixitaanka Al-Shabaab ee degmada Ceelbuur, Iyo  sidookale sheegashada Ahlusunna ee ah inay  gaareen Duleedka Ceelbuur, Hasse ahaatee waxaa jirtay hanjabaad kasoo yeereeysay Maamulka Ahlusuuna Ee Gobolada Dhexe oo sheegayay inay cagta marin Doonaan Xoogaga Al- Shabaab oo Gobolka Galgaduud qeybo kamidda   maamulla.

Wixii warar ah ee inaga soo gaaro Gobollada Dhexe waan idin gudbin doonaa, Inshaa’allaah,

COMMENTS