January 30, 2013 | Posted by admin

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegay inay weeraro kale oo qaraxyo ah ay ka geesan doonaan xarumaha Dowladda Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka dhanka dagaalada ee Ururka Al-Shabaab C/casiis Abuu Muscab oo la hadlay warbaahinta ayaa wuxuu sheegay in qaraxa Shabaab ay ka geesteen Magaalada Muqdisho uu muujinayo awooda Shabaab ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho.

Abuu Muscab ayaa sheegay in xarumaha waaweyn ee Dowladda Soomaaliya Magaalada Muqdisho ay Shabaab ka fulinayaan qaraxyo muujinaya awooda Shabaab.

Sidoo kale afhayeenka dhanka dagaalada ee Shabaab ayaa wuxuu guulo ka sheegtay dagaal ka dhacay Gobalka Jubadda hoose oo ay la galeen ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Ururka Al-Shabaab ayaa shalay waxa ay qarax ka geesteen Magaalada Muqdisho iyadoo qaraxaasi uu fuliyay ruux isa soo miidaamiyay.

COMMENTS