November 18, 2012 | Posted by admin
Maleeshiyaad al-Shabaab ah oo gadiid saaran kaddib markii ay hubkooda ku soo bandhigeen nawaaxiga Muqdisho, December 8, 2008. REUTERS/Feisal Omar

Maleeshiyada al-Shabaab ayaa lagu soo warramayaa inay ka baxday deegaannada Ceel-garas iyo Ceel-dheere ee gobolka Galgaduud.

Dad deegaanka ah ayaa Bar-kulan u sheegay in maleeshiyada oo wadata gaadiid dagaal oo tiro badan ay u jihaysatay dhinaca gobolka Hiiraan, iyadoo warar hoose ay sheegayaan inay ku sii jeedaan degmada Buula-burto.

Sidoo kale, maleeshiyada ay xooggeedii ka baxday degmada Ceelbuur, waxaana wararka Duhur  ay ka heleyso halkaasi ay sheegayaan in tiro yar oo maleeshiyaad kuwa Xisbada ay ugu yeeraan ay halkaasi ku hareen.

Lama oga sababta keentay ka bixitaanka al-Shabaab ee deegaannadaas, in kastoo ay jirto hadal-hayn ah in ciidamada iskaashana ee gobolka Hiiraan ay qorshaynayaan inay duullaan ku qaadaan degmada Buula-burte.

Dhinaca kale, maleeshiyaadka Xisbada ee al-Shabaab ayaa xabsiga u taxaabay lix qof oo ka tirsan ganacsatada Ceelbuur, kuwaas oo ay ku eedeeyeen inay jaad qarsoodi ah halkaasi geeyeen.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in maleeshiyada ay jir-dil u gaysteen ganacsatada, ka hor intii aanay xabsiga dhigin.

COMMENTS