March 25, 2012 | Posted by admin


DUHUR-Wararka naga soo gaaraaya degmada Ceelbuur ee gobolka Galguduud ayaa soo sheegaaya in dagaalyahanada Al shabaab ay maanta isaga baxeen degmadaasi.

Dad kusugan degmada Ceelbuur ee gobolka Galguduud oo aan khadka taleefanka kula xiriirnay ayaa waxay inoo xaqiijiyeen in dagaalyahanada Al shabaab ay gebi ahaanba isaga baxeen degmadaasi.

Sidoo kale dadka kusugan Ceelbuur waxay inoo sheegeen in dagaalyahanada Al shabaab markii ay baxaayeen Ceelbuur ay horay usii qaateen Idaacad ku hadli jirtay afkooda.

Guud ahaanba degmada Ceelbuur waxaa maanta ka jirta cabsi dagaal oo ay dadku ka qabaan in uu deegaankaasi dagaal ku dhexmaro Ciidamada Ethiopia ee shalay galay Galguduud iyo dagaalyahanada Al shabaab.

Ciidamada Ethiopia oo shalay galab gaaray deegaano katirsan gobolka Galguduud ayaa waxay iminka kusii siqaayaan deegaanada kale gobolka ee ay kusugan yihiin dagaalyahanada Al shabaab.

Dhanka kale wararka aan ka helayno degmooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel ayaa soo sheegaaya in Ciidamada Ethiopia loo kala qaybiyey dhowr aag oo mid kasta lagu beegay dhamaan fariisimada ay dagaalyahanada Al shabaab ku leeyihiin gudaha gobolkaasi.

Horay ayaa saraakiil katirsan Ahlusunna waxay ugu hanjabeen in ay dagaal ku qabsan doonaan Al shabaab guud ahaanba gobolka Galguduud ayna wadi doonaan ilaa ay kasoo gaaraan gobolka Shabeellaha Dhexe.

COMMENTS