March 13, 2012 | Posted by admin

DUHUR-Xarakada Al-Shabaab ayaa is bedel ku sameysay Maamulkii Gobolada Jubooyinka, xilli culeysyo milateri ka heystaandeegaanada Jubooyinka, halkaas oo dagaal uga imaanaya kumanaan ka tirsan Ciidamada Kenya iyo kuwa dowladda.

War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Siyaasada iyo xiriirka Gobolada ee Al-Shabaab ayaa lagu shaaciyay in is bedel lagu sameeyay Gudoomiyihii Gobolada Jubooyinka Sheekh Abuukar Cali Aadan oo sanadihii la soo dhaafay ahaa Gudoomiyaha Jubooyinka.

Sheekh Abuukar Cali Aadan oo ka soo jeeda Gobolka Hiiraan ayaa waxaa lagu bedelay Sheekh C/raxmaan Xudeyfi oo horay u ahaa Qaadiga guud ee Jubooyinka.

Sidoo kale Qaadiga Maxkamada Jubooytinka ayaa iyana waxaa loo magacaabay Macalin Cumar oo ahaa Qaadigii Gobolka Banaadir.

Is bedelkan cusub ayaa soo de-dejiyay xiisadaha dagaal iyo dhaq dhaqaaqyada ciidan ee ka socda Jubooyinka, halkaas oo weeraro cir iyo dhul ka wadaan Ciidamada Kenyatiga ee duulaanka ku soo qaaday Shabaab.

Lama oga waxa uu soo kordhin karo Mamulkan cusub ee Al-Shabaab u magacaabeen Jubooyinka, inkastoo is bedelkan uu qeyb ka yahay kuwo horay u dhici jiray oo Al-Shabaab ku sameyn jireen Maamulada Gobolada dalka ay ka arimiyaan, hase ahaatee waxaa uu ku soo beegmayaa iyadoo dagaal ku furan yihiin Goboladaas.

COMMENTS
  1. ssgfs said:

    qolada ka wadda dagalada wadanka oo dhan waxan oran laha iskaga baxa dhulka somalia oo dhan inta ay goori goor tahay ,waa wax idinka idin roon ,waxa la indinka badiyay shabab ?