December 7, 2012 | Posted by admin

Wararka naga soo gaaraya magaallada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in Halkaas ay Shabaab ku toogteen Nin rayid ah.

Ciidamo lagu sheegay in ay yihiin kuwa amniyaadka Shabaab ayaa toogtay Alla ha unaxariistee Rooble Maxamed Cali oo kamid ahaa Beeralayda Baardheere.

“Marxuumkan waxaa lagu toogtay deegaanka Helo Shiid oo 15-KM ka baxsan Baardheere, waxaana toogtay ciidamada amniyaadka Shabaab”ayuu sheegay mid kamid ah Odayaasha Baardheere oo magaciisa arimo amaan darteed uqariyay.

Lama oga sababta ay Shabaab udileen Ninkaas beraleyda ah hase ahaatee dad la rumaysan karo ayaa Warqaad.com usheegay inuu jiray muran ku aadanaa amar kasoo baxay Shabaab oo marxuumkan uu diidanaa.

Amarkas ayaa lagu sheegay inuu ahaa inaanan la beeran karin Tubaakada ninkaasna loo dilay fal la xariira arintaas ku aadan beerashada Tubaakada.

Al-Shabaab ayaa labadii todobaad ee lasoo dhaafay magaalada Baardheere ku dilay ilaa sedex ruux oo kamid ahaa odayaasha dhaqanka ee magaalada.

COMMENTS