DUHUR-Xarakada Al Shabaab ayaa waxay goor dhaw ay hawl-galo ballaaran ay ka sameeyeen Magaalada Kismaayo ee Xaruunta Gobolka Jubbada Hoose, iyadoo dhinaca kalana hawl-galadaan wax-yeelo ugu geysatay dad rayid ah.
Ciidamadda Xisbada ee Xarakada Al Shabaab ayaa waxay hawl-galo ay ka sameeyeen Xaafadda Farjano gaar ahaan Waaxda Siinaay, waxayna hawl-galadaan ay ku baacsanayaan kooxo ganacsato ah oo galabta Casir Liqii Qaad si qarsoodi leh, ku soo gelisay Magaalada Kismaayo.
Ciidamadda Xisbada oo isu soo ekeysiiyay dad shacab ah ayaa waxay soo qaateen gawaarida loo-yaqaano Hoomeyga/Caasiga, isla-markaana waxay si qarsoodi leh ay u daba-socdeen ganacsatadaan, oo Qaadka ku siday gawaarida yar yar ee nooca raaxada ah.
Ganacsatada oo isugu jiray haween, dhalinyaro iyo ragga da’da dhexe ah, ayaa waxay markaliya ay arkeyn Ciidamadda Xisbada oo ku soo yaacaaya, waxayna ganacsatadii ay bilaabeen inay goobtaasi ay ku kala cararaan.
Laakiin Ciidamada Xisbada ayaa waxay u adeegsadeen rasaasta nool nool ee ka dhacda qoryaha daran dooriga u dhaca, isla-markaana waxay rasaastu ay haleeshay laba ruux, oo mid ka mid ah ay tahay qof dumar oo da’ ah, halka midka labaadna uu yahay nin dhalinyaro ah.
Ninka dhalinyarada ee dhaawacmay ayaa waxaa laga deerinaayaa xaaladiisa caafimaadeed, ka gadaal markii ay rasaasta ka haleeshay dhinaca feeraha, isla-markaana waxaa loo-qaaday Xaruumaha Caafimaadka ee Magaalada Kismaayo.
Ciidamadaan Shabaab ayaa waxay ku guuleysteen inay gacanta ku soo dhigaan qaar ka mid ah ganacsatadaan, halka kuwii kalana ay isaga baxsadeen Xaafadda Farjano, markii ay Ciidamadda Shabaab ay ku arkeyn.
Waxaa kacsan xaaladda Xaafadda Farjano, waxayna dadku ay ku soo argagaxeyn rasaas fara-badan oo ay Ciidamadda Xarakada Al Shabaab u adeegsadeen ganacsatadii dooneysay, inay ka baxsadaan Ciidamadda Xisbada ee Al Shabaab.
Xarakada Al Shabaab oo horey Magaalada Kismaayo Qaadka uga mamnuucday ayaa waxay dadku ay u ogolaatay inay Qaadka ay ku iibiyaan, kuna cunaan daafaha Magaalada, hase yeeshee Al Shabaab ayaa kolkii dambe mamnuucday in Qaadka lagu iibiyo, laguna cuno daafaha Magaalada Kismaayo, waxayna ganacsatada ay bilaabeen wixii xilligaasi ka dambeeyay, in Qaadka ay si qarsoodi leh ku soo geliyaan Magaalada Kismaayo.

All Posts
BBC 0400 GMT








