March 26, 2015 | Posted by admin

Malleeshiyada Al-Shabaab ayaa dib ula wareegtay deegaanka Buq-goosaar ee gobolka Hiiraan oo siddeed bilood kahor ay kala qabsadeen ciidammada dowladda oo kaashanaya kuwa AMISOM.
Dadka deegaanka ayaa Bar-kulan u xaqiijiyay in maleeshiyadu ay si nabadgalyo ah ku qabsadeen magaalada, kaddib markii ay ka baxeen ciidammadii horay ugala wareegay.
Saraakiisha hoggaaminaysa ciidammada iskaashanaya ee ka baxay Buq-goosaar ayaan wali faahfaahin ka bixin sababta ay uga baxeen deegaankaas.
Deegaanka Buq-goosaar ayaa 55 km dhinaca Koonfur-galbeed uga beegan magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

COMMENTS