February 25, 2012 | Posted by admin

DUHUR-Tan iyo sidii Al-Shabaab birta looga aslay waxaa kor u sii kacaya rajada Dowlada KMG ay ka qabto inay hanato dhamaan goobaha ay Al-Shabaab ku suganyihiin, isla markaana waxaa aad loo hadal hayaa qaabka ay dowlada Soomaaliya u maarayn doonto deeganada ay ka cayriyaan Al-Shabaab.

Waxaa xarumaha Dowlada Soomaaliya ka socda abaabul dagaal iyo diyaar garow heersare ah oo ay si wada jir ah u wadaan Ciidamada AMISOM iyo kuwa Itoobiya, waxaana dhowaan la filayaa dagaal labo jiha ah in lagu qaado Al-Shabaab, kasoo la filaya in Ceelasha biyaha iyo jidka Baydhabo la isku soo riixo.

Dhinaca kale waxaa sii kordhaya duqeymaha lala beeganayo Horjoogayaasha Al-Shabaab, kadib markii si toos ah ay u sheegteen inay ku biireen Ururka argagaxisada Caalamiga ah ee Al-Qaacida, waxaana wararka sheegayaan diyaarado aan la ogayn meesha laga leeyahay inay duqeyn ay ku dhinteen rag wax ka ahaa ururka Al-Shabaab ka geysteen deegaan hoos yimaada Shabeellada Hoose.

Si kastaba ha ahaatee waxaa Dowlada Soomaaliyeed iyo beesha caalamka looga fadhiyaa sidii ay u hanan lahaayeen dhulka ay Al-Shabaab ka saaraan iyo inay rajada Ummadda Soomaaliyeed dib u soo nooleeyaan.

COMMENTS