February 25, 2013 | Posted by admin

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo is garabsanaya ayaa maanta kala wareegay kooxda Al-Shabaab gacan ku haynta deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada hoose.

Ciidanka huwanta ayaa si nabadgelyo ah ku qabsaday deegaannada Qardho iyo Jiira-kuuloow iyo qaar kale oo ka tirsan gobolka Shabeellada hoose, kuwaasoo dhowrkii sano ee u dambeeyey ay Shabaabku ka talinayeen.

Sarkaal u hadlay ciidanka howlgalka qaadday oo lagu magacaabo Gaashaanle Sare Abuukar Cabdullaahi Isaaq ayaa xaqiijiyey qabsashada deegaannadaas, wuxuuna intaas ku daray in ciidamadu sugayaan ammaanka.

Toddobaadyadii u dambeeyey goobo badan oo ka tirsan Shabeellada hoose ayaa laga saaray Al-Shabaab.

COMMENTS