April 12, 2012 | Posted by admin

DUHUR-Saraakiisha Ururka Al-Shabaab ayaa shaaca kaqaday in qaraxii Xarunta Murtida iyo Madaadalada ee Tiyaatarka Qaranka ay kagaysteen fulinteeda ay garab kusiiyeen Rag katirsan Dowlada KMG.

Sheekh Maxamed Xasan Cumar Abuu Cabdiraxmaan oo ah Wakiilka Gobolka Banaadir ee Ururka Al-shabaab ayaa Waraysi uu siiyay Mid kimida ah Warbaahinta kuhadasha Afka Al-shabaab waxaa uu ugu warbixiyay sida ay ugu suura gashay Qaraxii kadhacay Tiyaatarka.

Sheekh Maxamed Xasan Cumar Abuu Cabdiraxmaan waxaa hadaladiisa kamid ahaa.

“ ilaahay mahadiisa qaraxaas waxaa noo suurageliyay inuu fullo rag katirsan dowlada KMG hadana sidoo kale waan sii wadaynaa weerarada aynu kuhayno kufaarta kusugan Guriga Fisqiga ee Madaxtoooyada ayuu yiri’ Sheekh Maxamed Xasan Cumar Abuu Cabdiraxmaan wakiilka Shabaab ee Banaadir waa sida uu hadalka udhigay.

Hada waxaa jira wali isqab qabsi laxiriira cida kadambaysay qaraxii Tiyaatarka iyadoo madaxwayne Shariif uu ku eedeeyay hay”adaha Amaanka hasa yeeshee warka Madaxwaynaha waxaa gaashaanka kudhuftay Wasiirka Warfaafinta.

Sheekh Maxamed Xasan Cumar Abuu Cabdiraxmaan ma uusan carabaabin Cida katirsan dowlada ee kasaaciday qaraxa Xarunta Murtida iyo Madaadlada kadhacay.

Warka kasoo baxay Al-shabaab waxaa uu madaxda dowlada kasii dhex abuuri karaa Dhibaato horleh iyadoo hada baaritaano badan ay soconayaan.

COMMENTS