January 25, 2013 | Posted by admin

Kooxda Al-Shabaab ayaa cambaareysay xirista boggii ay ku lahayd Twitter-ka, tallaabadaas oo ay ku tilmaantay in ay tahay faafreeb lagu sameeyay.

‘’Tani waa caddeynta cusub waa xoriyatul qowlka reer Galbeedka’’, ayay ku tiri Al-Shabaab farriin ay soo daabacday ciwaanka Carabiga ee ay ku leedahay Twitter-ka.

Inkastoo maanta la xiray boggoodii Twitter-ka ee af-Ingiriiska lagu qori jiray haddana wali waxaa shaqeynaya cinwaannada Al-Shabaab ee luuqadaha Soomaaliga iyo Carabiga.

Cinwaanka ayaa maanta la xiray, kaddib markii ay ku soo gudbisay hanjabaad la xariirta dilka muwaadiniin Kenyan ah oo u afduuban.

Al-Shabaab ciwaankeeda Twitter ayaa la furay bishii December ee sanadkii 2011, kaddib markii ciidamada Kenya ay gudaha u galeen Soomaaliya.

COMMENTS