Dhowaan waxa uu Maamulka Alshabaab uu dul dhigay Beelaha dhaqan magaalada Jowhar in lacago iska soo uruuriyaan oo lagu taakuleeyo dagaalada, ayaa hadaba waxaa xalay magaalada si rasmi uga bilowday uruurinta lacagahaas oo beel walba guddi u saartay soo uruurinteeda.
Odayaal dhaqameedyada iyo waxgaradka magaalada ayaa gudi u saaray soo uruurinta lacagahaas, iyagoo ganacsi walba iyo guri walba ka qorayay magaca qofka ganacsadaha ama reerka hogaamiya.
Mid ka mid ah ganacsatada magaalada oo aan la xiriirnay ayaa inoo sheegay in isaga xalay uu u dhiibay oday dhaqameedkiisa lacag dhan 20-doolar, kaas oo qeyb ka ah lacagihii la dul saaray.
“Qof walba magaciis ayaa la qorayaa, iyo beesha uu u dhashay, sidaas darteed waxaa dhiibeysa qidmo lacageed lagu saaray”ayuu yiri qofkan ganacsatada oo codsaday inaan magaciisa la adeegsan.
Jufo walba beesheeda ayaa lacag go’an oo la isa saaray laga qaadayaa, taasi oo laga ambaqaadayo go’aankii Maamulka ka soo baxay oo ahaa beelaha waa weyn inay bixiyaan lacag dhan 9-kun oo doolar, halka beelaha yar yar la dul dhigay min saddex kun oo doolar.
Dhanka kale Magaalada Jowhar ayaa waxaa ku dhaqan beelo kala duwan oo labada gedi ee ay ka kooban tahay ku sugan, waxaana beelaha qaar ay yihiin kuwo caan ku ah wax soo saarka beeraha iyo dalagyada kala duwan, tiiyo aanay jirin wax ay aan aheyn ku tiirsanaantooda dhinaca beeraha.

All Posts










