August 28, 2014 | Posted by admin

Kooxda Al-Shabaab ayaa billowday inay maleeshiyadeeda kala baxdo deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan.
Goobjoogeyaal ayaa u sheegay Bar-kulan inay arkeen dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab oo xalay ilaa saaka ka baxaya tuulooyinka Buurweyne iyo Halgan.
Sidoo kale dagaalyahannadii kooxda uga sugnayd degmada Jalalaqsi ayaa la sheegay inay wadaan dhaqdhaqaaq ay uga baxayaan magaalada.
Arrinta ayaa ku soo beegmeysa xilli ciidanka dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobolka iyo kuwa AMISOM ay si wada-jir ah u iclaamiyeen inay billaabi doonaan howlgal milateri oo ka dhan ah kooxda.
Howlgalka ayaa loo bixiyay ‘Badweynta Hindiya’.

COMMENTS