April 23, 2014 | Posted by admin

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa lagu soo warramayaa inay amar ku siisay dadka ku nool degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud inay muddo saddex toddobaad ah ku soo ururiyaan 700  Neef oo ay maleeshiyadu u adeegsato dagaallada.

Dadka deegaanka qaarkood oo la hadlay Duhur.com ayaa ka cabanaya inaysan awoodin xoolahaas inay bixiyaan, waxayna tilmaameen inay ka walwalsan yihiin inay Al-Shabaab xoog uga wada qaadato xoolahooda haddii ay amarka u hoggaansami waayaan.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM ayay ka codsadeen inay soo gaaraan degmada Ceeldheer si ay uga badbaadiyaan dhibaatada ay ku hayso Al-Shabaab.

Dhowr bilood ka hor ayay Al-Shabaab dadka deegaanka si khasab ah uga qaadday lacag gaareysa $100 kun oo doollar.

COMMENTS