April 13, 2012 | Posted by admin

DUHUR-Dagaal u dhaxeeya ciidamada Itoobiya iyo maleeshiyada Al-Shabaab ayaa caawa fiidkii ka dhacay deegaanka Maalin-guur oo u dhaxeeya deegaannada Ceel-la-helay iyo Ceel-qooxle oo hoos taga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

Taliyaha howlgallada maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca ee gobollada dhexe Cabdiweli Siyaad ayaa Bar-kulan u sheegay in dagaalka uu billowday kaddib markii ay Al-Shabaab waddada u gashay ciidamo Itoobiyaan ah oo ka yimid Dhuusamarreeb kuna soo jeeday Ceelbuur.

Cabdiweli Siyaad ayaa sheegay inuu dagaalku socday saacado kooban.

Ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaalka.

Waa markii ugu horreysay oo ay Galgaduud ku dagaallamaan ciidamada Itoobiya iyo maleeshiyada Al-Shabaab, tan iyo markii ay Soomaaliya dib ugu soo noqdeen ciidanka Itoobiya.

COMMENTS