May 22, 2012 | Posted by admin

DUHUR-Muqdisho –Ku dhawaad labo ruux ayaa geeriyootay tiro kale oo intaa kabadana waa ay dhaawacmeen kadib markii deegaanka Number 60 ee gobolka Shabellada Hoose ay ku dagaalameen maleyshiyaada ka tirsan Al-shabaab iyo dad beeraley ah.

Dadka deegaanka ayaa sheegayo in iska hor-imaadkan uu bilowday kadib markii malleehsiyada Al-shabaab ay isku dayeen in ay boobaan dhul beereed ay la haayeen beeraleyda la dagaalantay maleyshiyadaasi, iyadoo dagaalkaasi ay ku nafwaayeen labo maleyshiyo ka tirsan Al-qaacidada Soomaaliya islamarkaana ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaa kabadan.

Goobjoogayaasha ayaa intaasi raaciyay in haatan wali ay kacsan tahay xaalada daganaansho ee deegaanka Number 60 ee gobolka Shabellada Hoose, iyadoona wali ay is-horfadhiyaan kooxihii halkaasi ku dagaalamay.

Tani waa qeyb ka mid ah dhaqamada foosha xun ee ka fog Bani’aadanimada iyo shareecada islaamka ee ay Al-shabaab kula dhaqmaan dadka shacabka ah ee ku nool deegaanada fara kutiriska ah ee ay kooxahaasi wali ka arrimiyaan.

COMMENTS