March 20, 2012 | Posted by admin

Labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa sheegaya in Abuu Mansur Al-Amriiki oo ka mid ahaa dagaal-yahanada shisheeyaha ee ka dhinac dagaalama ururka Alshabaab la xirey iyadoo inta badan idaacadaha magaalada Muqdisho ay hadal hayeen warkaas.

Hase yeeshee illaa iyo hadda wax war ah oo rasmi ah kama soo saarin ururka Alshabaab wararka ku saabsan xariga Al-Amriiki.

Si kasta ha ahaatee wararka ku saabsan wararkan ayaa ahaa kuwo isa soo tarayay marba marka ka dambaysa, waxayna wararka u dambeeyey ee ku saabsan xariga Abu-Mansuur ay sheegayaan in uu ku jiro xabsi guri oo aan lagu xirin meel xabsi ah.

Abu-Mansuur ayaa la sheegay in laga soo waday guri uu ka degenaa magaalada Marka haatana uu xabsi guri ku yahay guri ku yaal magaalada Qoryooley ee gobolka Sh.hoose.

Waxayna wararku tilmaamayaan in Al-Amriki loo haysto khilaaf ku saabsan arrimaha istiratiijiyada iyo dagaal gelinta ciidamada Alshabaab.

Dhowaan ayaa bar internetka ah la soo geliyey cajalad video ah uu ka soo muuqday taasoo sheegeysa in Al-Amriki uu ka baqayo in ay dilaan Al-shabaab hase yeeshee taas ayaa lagu beeniyey qoraal la soo geliyey barta Twitterka ee ay Al-shabaab leeyihiin.

Waxaana qoraalkaas lagu sheegay inla baarayo waxa ka jira cajaladaas laga daawaday barta internetka ah. Abu-Mansuur Al-amriki ayaa haysta dhalasho Amerikan ah waxaana uu ku sugnaa dalka Soomaaliya muddo ka badan lix sano isagoo ka mid ahaa saraakiisha ugu sareysa ee ka dagaalanta dalka Soomaaliya. Al-Amriki ayaa wax kabartay luqada Soomaaliga ah waxana uu noqonayaa haddii ay dhabowdo in la xirey qofkii ugu horeeyey ee shisheeye ah oo ka tirsanaa ururka Al-shabaab oo xabsi la geliyo.

Hore ayaa saraakiil uga tirsanayd Al-shabaab balse dhalashadoodu ay Soomali ahayd la xirey halka qaar kamid ahna la diley.

WAANA TAN CAJALADII UU KA SOO MUUQDAY AL-AMRIKI

COMMENTS