August 15, 2017 | Posted by admin

Kurisga  uu Baneeyay Madaxwayne Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa waxaa jiri kara in uu sii Kordho Hon guriga siyaasiinta ay ka qabaan in ay utartamaan laakiin arinkaas waxaa ka Hor yimid Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle.

Cismaan Barre Maxamed oo ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle ayaa taageeray mooshin ay xilka shalay uga xildhibaannada Hirshabeelle madaxweynaha Maamulkaas Cali Cabdullahi Cosoble.

Cismaan Barre Maxamed oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Jowhar ayaa sheegay in muddo 30 Cisho ah Madaxweynaha cusub ee Hirshabeelle lagu soo dooranayo.

Waxaa uu Guddoomiye Cismaan Barre intaas ku daray in Madxweynaha la soo dooranayo uu ka iman doono Beesha uu ka soo jeedo Cali Cabdullahi Cosoble.

Waxaa kale oo uu sheegay in inta laga soo dooranayo Madxweynaha cusub ee Maamulka Hirshabeelle uu Maamulkaas madaxweyne ka sii ahaanayo Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Soomaaliya ee ka soo jeda Hirshabeelle  ayaa soo dhaweeyay xil ka qaadistii lagu sameeyay madaxwayne Cali Cabdullaahi cosoble.

COMMENTS