January 20, 2017 | Posted by admin

5751571C-B34F-4730-8ECF-0A38D0EBAF5A_w987_r1_s

Guddiga Qaban qaabada Doorashada Guddoonka Aqalka Sare ayaa soo gaba gabeeyay diiwaan gelinta Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Guddoonka Aqalka Sare, waxaana la diiwan geliyay 16 Musharax.

Gudoomiyaha Gudiga qaban-qaabada Doorashada Guddoonka Aqalka Sare Maxamed Faarax Dhega-juun iyo Labadiisa ku xigeen ayaa shaaciyay in ay hayaan diiwaanka 16 Musharax.

2 ka mid ah waxa ay u taagan yihiin Guddoonka Aqalka Sare,  7 kalena Guddoomiye ku xigeenka 1-aad, halka 7 Kalena ay uu sharraxan yihiin Guddoomiye Ku Xigeenka 2-aad.

 

labada Musharax ee u taagan Guddoonka Aqalka Sare

  1. Cabdi Xaashi C/llaahi, ildhibaan hore
  2. Mustafe Maxamed Qodax,  xog-hayihii hore ee xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, Somaliland

Musharaxiinta Guddoomiye ku xigeenka 1-aad

  1. Xasan Faarax Xujaale.
  2. Axmed Xaashi Maxamuud
  3. Cabdiwaaxid Cilmi cumar.
  4. Abshir Maxamed Maxamuud.
  5. Cabdi Axmed Dhuxulow.
  6. Maxamuud Axmed Maxamuud.
  7. Cabdirisaaq Cusmaan Cali.

Musharaxiinta Guddoomiye ku xigeenka 2-aad

  1. Hodan Maxamuud Cusmaan.
  2. Osmaan Axmed Maxcow.
  3. Iftiin Xasan Baasto.
  4. Fartuun Cabdulqaadir Faarax.
  5. Sacdiyo Xasan Cusmaan
  6. Mowliid Xuseen Guuleed
  7. Cabdikaafi Macalin Xasan.
COMMENTS