October 12, 2017 | Posted by admin

Xildhibaanada ku bahoobay Kudlada Horusocod ayaa markii u horeysay baaq ka soo saaray xaalada siyaasadeed iyo mida amni ee ka jirta dalka, iyadoo dowladda Soomaaliya u jeediyay tallooyin kala duwan.

Kudlada Horusocod ayaa sheegay in loo baahan yahay in dalka uu gaaro degenaansho siyaasadeed, si horay loogu socdo.

Sidoo kale waxaa ay ugu baaqeen Madaxweynaha inuu kulan deg deg ah isugu yeero Madaxda dowlad goboleedyada, si looga hadlo tabashooyinka ku xusan war murtiyeedkii shalay ka soo baxay Madaxda dowlad goboleedyada.

Waxaa kaloo ay soo jeediyeen in xiriirka dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada inuu noqdo mid wada shaqeyn iyo iskaashi ku dhisan.

Halkan hoose ka akhriso Baaqa Kudlada Horusocod:-

horusocod-768x993

horusocod1-768x968

horusocod2png-727x1024

COMMENTS