November 8, 2017 | Posted by admin

6-dii Jeer ee Madaxweynaha la arko, isagoo xiran dareyska Ciidamada Milateriga (Raad Raaca Sawiradda)

Shalay dad badan ayaa Fariimo isoo qoray oo su’aal ka keenay 6 jeer aan sheegay in Madaxweynuhu xirtay dareyska ciidamada, qaarkoodna waxay iga dalbadeen in aan caddeyn u keeno lixda jeer aan sheegay, qaarna waxayba i dhaheen waa iska mala awaashay, ee maxaad Madaxweynaha ugu tirinee inta jeer ee uu dharka ciidanka xirtay, waa Sax Madaxweynuhu waa Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, dareyskana waa xiran karnaa, mar walba, sida hadii xaalad dagaal jirto iyo hadii xero ciidan booqanayo

Halkan waxaa ku soo lifaaqay sawirada lixda jeer ee Madaxweynuhu xirto dharka Ciidamada waxaa ku wehliya sawirada qaar Taliyihii hore iyo Wasiirkii Gaashaandhigga oo labadaba is casilay

1- 6-dii April oo aheyd markii Taliyeyaasha ciidamada la bedelayay oo uu ku baaqay dagaal

2- 12 April maalinta ciidanka xoogga dalka,

3- 9 July habeenkii guddiga taakuleynta ciidamada la magacaabayay,

4- 9 September waxaa uu kormeeray Xero Agoon oo ay ciidamada ku tababaraan Imaaraadka Carabta

5- 21 October waxaa uu kormeeray Xerada Ciidamada Jazeera, halkaas oo uu Ciidamada ku amray inay u dhaqaaqaan Furimaha dagaalka iyo

6- shalay oo taariikhda aheyd 7 November oo uu tagay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga.

Waxaa u maleynayaa inay dad badan mar kale i dhihi doonaan maxaa ugu tirinee Madaxweynaha Howl la’aan ayaa ka badatay, koley aniga qof suxufi ayaa ahay, dhacdooyinka iyo xaaladaha gaarkana waa waajib inaan maskaxda ku haayo, si aan marka aan u baahdo aan raad-raac ugu sameeyo.

COMMENTS