May 15, 2017 | Posted by admin

Cali Xasan Maslax(Berdura), waxaa uu ka mid
ahaa 13-kii dhallinyaro ee aasaastay ururkii SYL,
isagoo 80 jir ah ayuu 2002-dii Cabdi Caziz
Gurbiye ugu waramay magaalada Qoryooley ee
gobolka Shabeelada Hoose.
Dhallinyaro Kala Fikir ah:
Ururka Dhallinyarada Soomaaliyeed waxaa la
aasaasay 1943-dii, waxaa ay ahaayeen dhallinyaro
da’doodu u dhxeeya 15-21 jir, koox Suufiyo oo
Aways iyo Qaadiriya ahayd sida {Dahir Xaji
Cusman Dhagawayne, Maxamed Xirsi Nuur
Sayidiin, Cusmaan Geedi Raage iyo Maxamed C/
llaahi farax xayeysi.
Koox kale oo aqoon yahan ayaa ku jiray
aasaasayaashii SYL sida {Yaasin Xaaji Cusman,
Maxamed Cali Nuur} iyo koox 3-aad oo aad u
yaraa sida Cali Verdura, Dahir Dhagaweyne iyo
iyo Maxamed Hilowle, sidaa waxaa xaqiijiyay Cali
Verdura.
Dalka Sidee Buu Ahaa:
Xilliga la dhisayo SYL, Soomaaliya waxaa ay ku
jirtay gumeysi ba’an gaadiidka gadaal ayaa laga
raaci jiray, shaneemooyinka gadaal ayaa laga
fariisan jiray, si looga hortago gumeystaha ayaa
waxaa la dhisay naadigii SYC oo loola jeeday in
lagu qaldo gumeystaha.
Habeenkii la dhisayey Leegada ma wada joogin
13-ka dhallinyaro, balse nasiib wanaag Cali
Verdura waxaa uu ka mid ahaa kooxdii joogtay,
Waxaa SYL lagu dhisay guri ku yaalla Wadada Via
Roma ee magaalada Muqdisho.
Dastuurkii SYL:
Yaasiin Xaaji Cusmaan ayaa dhallinyarada soo hor
dhigay barnaamijka xisbiga, qodobadii ugu
muhiimsanaa waxaa ka mid ahaa:
-In Soomaaliwayn la isu raadiyo,
-Qaabyaaladda iyo Dariiqooyinka laga fogaado.
-In dadka wax la baro.
Waxaa halkaas lagu doortay 3 qof oo aqoon
lahayd, kuwaas oo kala ahaa:
-Cabdulqaadir Shiikh Sakhaawodiin –
Guddoomiye
-Xaaji Maxamad Xuseen – Guddoomiye-xigeen
-Yaasiin Xaaji Cismaan.-Xoghayaha guud ee
ururka SYL
Geesiyaddii SYL:
Magacyadii 13-kii Dhallinyaro waa: C/qaadir
Sheekh Saqaawadiin,. Max’ed Xirsi Nuur {Siidii},
Yaasiin Xaaji Cismaan Sharma’arke, Xaaji
Maxamed Xuseen Max’ed ,Cismaan Geedi Raage,
Dheere Xaaji Dheere , Daahir Xaaji Cusmaan ,Cali
Xasan Maslax ,Maxamed Cali Nuur ,Maxamed
Faarax Hilowle , Xaaji Maxamed C/llaahi
{Xayeesi} ,Huudoow Macalin Cabdulle ,.
Maxamed Cusmaan Baarbe .
Laga bilaabo 1943, waxaa Xisbiga laga furay
gobollada Soomaaliya oo idil, waxaa batay
taageerayaashiisii qeybaha kala duwan ee
bulshada sida dhallinyarada, odayaasha, culimada,
dumarka iwm.
1947 ayaa waxaa la go’aansaday in isbedel lagu
sameeyo magaca Xisbiga, sanadkaas ayaa laga
dhigay SYL.
Waxaa xusid mudan in uu xanuunsaday Yaasiin
Xaaji Cismaan kadibna uu xanuunkaas u
geeriyooday, Waxaa uu ka dardaarmay sida la
sheegay in jagadiisii lagu bedelo Cabdullaahi Ciise
Maxamud.
Dhacdadii 11ka Jannaayo 1948
11 Janaanyo 1948: Waxaa dhacay dagaalkii Ha
noolaato, maalintaas waxaa dibad bax ka dhacay
magaalada Muqdishu.
Dhacdadaas dadkii Soomaalida ka shahiiday
waxaa ka mid ahaa Xaawo Taako oo astaan u
noqotay gumeysi diidka iyo midnimada.
11-kii Janaayo 1948-dii waxaa dalka soo
booqanayey guddi UNada raacsan oo ahaa
dalalkii ku adkaaday dagaalkii labaad ee Aduunka
sida Maraykanka, Ingiriiska, Faransiska, Ruushka,
iyo Talyaniga. Maalintaas waxay adeegsadeen
dadka daba-dhilifka ah.
SYL, waxaa ay sameeyeen tab la yaab leh,
boqolkii qofba waxaa loo dhiibay hal hogaamiye ,
labo calanka sida iyo afar ilaalo ah… Cali Berduda
oo taariikhdan aan ka qornay waxaa uu sheegay
in isaga callamada uu qeybiyay.
Dagaalkaas Hanoolaato waxaa Soomaalida ka
shahiiday 14 oo ay ku jirto Xaawo Taako , halka
Talyaaniga laga dilay 52 Talyaani ah, waxaa
gumeystihii lagu aruuriyay bilaajo Carab.
Dhacdadii Dhagaxtuur:
September 1949 ayaa waxaa furmay kalfadhigii
golaha guud ee Qaramada Midoobay.
kalfadhigaas ayaa laga sugayey inuu go’aan ka
gaaro aayatiinka dalalkii Talyaanigu gumeeysan
jiray oo ay Soomaaliya ka mid ahayd. Leegadu
waxay New York u dirtay Cabdilahi Ciise
Maxamud si uu u cabbiro Mawqifka Leegada .
October 5, 1949 ayaa Leegadu mudaaharaad ka
dhan ah Talyaaniga ku sameeysey goobta loo
yaqaan Dhagaxtuur.
Dagaalkan Dhagaxtuur, Waxaa uu dhex maray
Soomaalida iyo Ingiriiska, dowladda Ingiriiska
waxaa ay is bidday xoog, Waxaa ay bandow
kusoo rogtay dadka, kadib waxaa Dhagaxtuur
bilaabay Soomaalidii, dagaal is burbursi ah
kadib,. Waxaa halkaas ku dhintay laba qof,
waxaana ku dhaawacmay 50. Afar booliska
Ingiriiska ah ayaa halkaas lagu dhaawacay.
Labadaas dhacdo ee taariikhiga ah kadib ,
November 21, 1949 ayey Golaha Guud ee
Qaramada Midoobay soo saareen go’aankiisii
ahaa in Soomaaliya loo dhiibo Maamul Talyaani
ah oo 10 sano ah, Qaramada Midoobayna ku
ilaaliyaan.
Xukunkii Daakhiliga:
April 1950 ayaa maamulkii Talyaanigu la
wareegay xilkii Soomaaliya, Waxaa Talyaaniga
weheliyey Guddi ka kooban saddex dal: Masar,
Philibin iyo Colombia oo wakiil ka ah Qaramada
Midoobay, ilaalinayana sida Talyaanigu u fulinayo
hawsha lagu aaminay.
SYL waxaa ay sidoo kale ku guuleysatay 12ka
Oktoobar 1954 in la taago calanka Soomaaliya
kaas uu sameeyay nin SYL ka tirsan Allaha u
naxariistee Maxamad Cawaale Liibaan.
Madaxbanaani:
Ugu Dambeyntii guushii halgankii waxaa la gaaray
1da July 1960 markii laba gobol oo xor ah oo
Soomaali ah isu tageen oo dhiseen
Jamhuuriyadda Soomaaliya.
SYL, Waxaa ay ku guuleysatay dhamaan
doorashooyinkii dalka ka dhacay intii u dhaxeysay
1954-1969-kii , waxaa ay dhiseen dhamaan
xukuumadihii rayidka ahaa sida Xukuumadii
Cabdirashiid Cali Sharma’arke, Cabdirisaq Xaaji
Xuseen iyo Maxamed Xaji Ibrahim Cigaal, waxaa
xilligaas dhacday doorasho dimoqoraadi ah tii
ugu horeysay Afrika, waa markii uu Sharma’arke
xilka kala wareegay Aden Cadde June 10, 1967-
dii.
SYL iyo Afgambigii Jaalle Siyaad:
SYL 9 sano oo xukun Madani ah iyo
doorashooyin xor ah ay wadeen waxaa
afgambiyay Maxamed Siyaad Barre isagoo xiray
madaxdii xisbiga uu ka mid ahaa Ra’iisul Wasaare
Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal, Xisbigii SYL
siyaasadda ayaa laga mamnuucay wixii maalintaa
ka dambeeyay.
Cali Berdura oo Inqilaabkaas uga sheekeeyay
waxaa uu yiri“- Haa, waxaa jirtay in ay noo
yeereen Maxamed Siyaad, Kulmiye, Gabayre iyo
Caynanshe, waxay noo sheegeen in dalka ka
dhacayo Inqilaab aan dhiig ku daadan oo dalka
ay isbedel ka samaynayaan… aniga meel cidla ah
ayaan ka istaagay waxaa u sheegay in taariiqda
xusi doonto khiyaanada ay wadaan…waxaa igu
xanaaqay Gabayre oo gacantooda ku sababsaday
markii dambe….Siyaad Barre waa i xiray xitaa
lacag uu ii balan qaaday aniga ayaa diiday…wax
xil inaan qabto waligeey ma jeclayn, daacadnimo
ayaan intaan ku soo gaaray adeer.
SYL waxaa soo afjaray Maxamed Siyaad, waxaa
uu mamnuucay xisbiga iyo dhamaan axsaabta
kale, hogaamiyeyaasha SYL waxaa la dhigay kuwa
la xiro, koox dalka isaga cararay iyo in kaloo
tacab iyo Beeraley iska noqday sida Berdura.
73 kadib aasaaskii SYL, maanta da’da ugu badan
Soomaalida waa inta ka yar 35 sano oo waxaa
lagu qiyaasaa 75%, malaha hogaamiyeyaal,
malahan ururo siyaasadeed, qabiil iyo kooxo kale
ayaa kala jiitay, Waddaniyaddii ayaa meesha ka
baxday, waxaana baahi loo qabaa dhallinyaro
dalka ka bixisa qabyaaladda, 4.5-ka, kooxeysiga,
shisheeye kalkaalnimada iyo dhamaan afkaarta
dib u dhaca u keentay dalka…….Dalka waxaa uu u
baahan yahay in la soo celiyo eraygii caanka ahaa
“Soomaaliya, Soomaalibaa leh” iyo Dhallinyaro ku
midowda danta guud ee dalka, dadka iyo diinta.

COMMENTS