June 24, 2017 | Posted by admin

Mareykanka ayaa liiska Argagixisada ka saaray Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo ka mid ahaa Saraakiisha sar sare ee Al-Shabaab, horeyna usoo noqday Afhayeenka Al-shabaab.

War kasoo baxay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka islamarkaan ay baahisay Laaanta afka Soomaliga ee  VOA ayaa lagu sheegay  in Abuu Mansuur laga saaray liiska Argagixisada Caalamiga, waxaana madaxiisa dul saarnaa 5 milyan oo dollar.

Halkaan Hoose ka Akhriso Liiska 7dii Hogaamiye Al-shabaab uu Mareykanka Lacagaha Dul Dhigay

  • Aasaasaha Xarakada Al-shabaab Axmed Cabdi Godane(Abuu Zubeer) $7 Milyan, waxaa lagu dulay duqeyn dhacday Koonfurta dalka Soomaliya.
  • Ibrahim Xaaji Jaamac(Ibraahim Afqaan) $5 Milyan
  • Fu’aad Maxamed Khalaf $5 Milyan
  • Bashiir Maxamed Maxamud $5 Milyan
  • Mukhtaar Roobow $5 Milyan, balse hadda Mareykanka waa uu ka saaray liiska liiska Argagixisada Caalamiga
  • Zakariye Ismaaciil Xersi $3 Milyan, NB:-Dowladda Soomaliya aaya isku soo dhiibay Sanado ka Hor waxaa la dhigay Madaxa Sirdoonka Soomaliya.
  • Cabdullahi Yare $3 milyan.
COMMENTS