March 20, 2017 | Posted by admin

Dowladda Imaaraadka Carabta iyo maamulka Somaliland ayaa si rasmi ah maanta u kala saxiixday heshiiskii muranka badan ka taagan yahay ee Saldhiga Milateri ee Imaaraadku ku yeelanayo magaalada Berbera.
Heshiiskan oo ay hore u ansixiyeen golayaasha maamulka Somaliland, waxaa Somaliland u saxiixay Wasiirka Arrimaha dibadda Sacad Cali Shire, halka dhinaca Imaaraadka carabta uu u qalinka ugu duugay Maxamed AL-Zuweydi oo metelayay dowladda Imaaraadka.
Wafdi ka socda Somaliland oo arrintan u joogay magaalada Abu Dubai waxaa horkacayay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Ismaaciil Seylici.

Heshiiska oo isugu jira milateri iyo maalgelin ah, una qoran sida war-mutiyeed ayaa qodobadiisa waxay kala yihiin:
1-Somaliland waxay ogolaanho siisay in Ciidamada Dowladda Imaaraadku adeegsadaan Garoonka diyaaradaha ee Berbera.

2- In Imaaraadka Garoon diyaaradeed ka dhiso Berbera, kaasi oo ay isticmaali doonaan diyaaradaha rakaabka.
3- Dhismaha Jidka isku xira Berbera iyo Togwajaale oo dheerarkiisu yahay 250km ayaa ka mid ah mashaariicda la fulin doono.

-Fulinta Mashaariic kale oo la xiriiraan Biyaha, Tamarta , Caafimaadka iyo waxbarashada. dhamaan mashaariicdaasi waxaa lagu fulin doonaa Saddexda sano ee soo socota.

4-Dowladda Imaaraadku waxay suuqyadeeda shaqo u furi doontaa muwaadinniinta Somaliland.
5-Dowladdu Imaaraadku waxay taageeri doontaa shirkadaha maalgashiga imaaradku inay maalgashtaan Somaliland
6- Imaaraadka iyo Somaliland waxay iska kaashan doonaan dhinaca Ammniga

7-Wuxu heshiiskan albaab cusub u furi doonaa Somaliland iyo Beesha Caalamka.

-Ugu danbeyntii waxay labada dhinac isla garteen in Imaaraadku gargaar degdeg ah gaarsiiyo dadka Abaartu saameysay.

Maxamed Daacad Muqdisho.
[email protected].

COMMENTS