December 2, 2016 | Posted by admin

War Qoraal ah oo kasoo baxay Guddiga doorashooyinka Heer Galmudug ayaa lagu difaacay doorashadii ka dhacday magaalada Cadaado ee lagu doortay Kursiga Beesha Gaabane Saleemaan , waxaana kursigaasi oo horey Haween loogu qoondeeyay kusoo baxay Xildhibaan Abtidoon yare.

Halkan ka Aqriso War Saxaafadeedka kasoo baxay Guddiga Doorashooyinka Heer Galmudug

Ku. Guddoomiyaha Guddiga Federaalka ee Hirgelinta Doorashada Dadban

Og. Guddiga doorashada ee Dowlad-Goboleedka Galmudug

Og. Madaxeynaha Dowlad-Goboleedka Galmudug

Ujeeddo: Go’aanka GFHDD ee 30ka November

Mudane Guddoomiye ASC,

Annaga oo tixraaceyna warqaddii ka soo baxday Xaafiiska Guddoomiyaha GFHDD taariikhdu markey aheyd 30 Nov, 2016 kuna saabsaneyd go’aan horudhac ah oo laga gaaray kursi lagu doortay deegaan doorashada Cadaado isla 30kii Nofember; waxaan dooneynaa inaan idinla wadaagno arrimahan hoose:

1. Wakiillada Guddiga GFHDD ee ku sugan deegaan doorashada GalMudug waxay ku howlanyihiin kormeeridda iyo toosinta doorashada, turxaan bixinta hannaanka, ilaalinta qoondada haweenka, hubinta habraaca doorashada, ku dhawaaqidda natiijada horudhaca ah ee doorashada iyo shaqooyinka kale ee guddiga loo igmaday. Illaa iyo hadda ma hayno dalab qoraal ama isgaarsiin ah oo Guddoonka Guddigu nagu weydiinayo faahfaahin la xariirta kursiga la tilmaamay si loo helo wadiiqo go’aan lagu qaato.

2. Sida ku cad qodobka 9aad ee waajibaadka Guddiga GFHDD, shirarka guddiga waxay ku dhici karaan soo xaadiridda ugu yaraan 15 xubnood, go’aankuna waa cod hal dheeri ah.

3. Waxaa markasta taagnaa Kuraas dhowr ah oo kursigan Saleemaan ka mid yahay oo ay ku hareereysnaayeen duruufo adag oo kala duwan oo aan idinla wadaagnay, arrimahaas oo qaarna xal laga gaaray 27 November, kuwa kalena ay weli taagan yihiin.

Caddeyn

4. Waxaan idiin caddeyneynaa inaan si adag uga xunnahay in waqti sidaa u kooban la soo saaro go’aan aan waafaqsanayn hab-dhaqanka Guddiga u degsan, go’aankaas oo halis gelin kara midnimada doorashada iyo dhismaha Guddiga GFHDD. Sida ku cad xeer- hoosaadka Guddiga go’aanada GFHDD wuxuu ku imaanayaa in marka hore la is qanciyo, ugu dambayna cod la qaado.

5. Waxaan hubnaa in doorashada Kursiga Gaabane Saleemaan loo maray dariiq sax ah oo ku qotoma shuruucda doorashada iyo xaaladda deegaan doorashada Cadaado.

6. Guddiga Doorashada ee GDGDD iyo Dowlad-Goboleedka Galmudug waxay weli ku taagan yihiin go’aannadii Madasha MHQ ee tilmaamayey in la ilaaliyo Qoondada Haweenka ee Baarlamaanka oo dhan 30%.

7. Waxaan baqdin weyn ka qabnaa in aan ujeeddadu ahayn in qoondo haween la xaqiijiyo ee la doonayo in la beegsado shaqsiyaad gaar ah iyo Qabiillo gooni ah.

Talo-jeedin

8. Waxaan ku talineynaa inla joojiyo ku dhawaaqidda go’aanno xamaasadeysan oo aan la dhammeystirin dariiqii ay ku noqon lahaayeen go’aanno rasmi ah, taasoo keeni doonta burbur shaqadeenna wanaagsan ee ummada loo hayo ku yimaada.

9. Waa in la furo baaritaan ay ka qeyb yihiin dhammaan dhinacyada shaqada iyo go’aanka kiiskani quseeyo si loo helo dhegeysi buuxa oo nagu haga go’aan rasmi ah.

Bogaadin

10. Waxaan dhammaantiin idinku bogaadineynaa howsha wanaagsan ee aad qaranka u haysaan annagoo qabsaneyna doorashadii ugu ballaarneyd muddo 50 sano ah, iyadoo dalkeennu la ildaran yahay kala qoqobnaan baahsan, aqoonyari doorasho iyo heerka amniga oo hooseeya.

Sidaa iyo wadashaqeyn wacan.


Yasiin Cabdi Jama Abdullahi Salad Yarow

Xoghayaha GFHDD Qorsheynta iyo Howlgelinta GFHDD December 1, 2016

Maxamed Daacad Muqdisho.

COMMENTS