March 21, 2017 | Posted by admin

Ra’isul wasaaraha xukuumadda soomaliya
mudane xasan cali kheyre ayaa goordhaw si
rasmi ah ugu dhawaaqay golaha wasiiradda
xukuumadda soomaliya.
Afhayeenka xukuumadda soomaliya ayaana ku
dhawaaqay liiska golaha wasiirada iyadoona
wasiiradda ay u badanyihiin xildhibaano
baarlamaanka ka tisran waxaana la dhihi 80%
waxaa xildhibaano baarlamaanka ka tirsan.
Liiska oo dhameystirsan goordhaw ayaan idin
soo gudbin doona hayeeshe hada wasiiro
kooban ayaan idinla wadaagi doonna.
1. Wasiirka Arrimaha gudaha ee dawladda
Faderaalka Cabdi Faarax Juxa ( Horey Wasiir
uga soo noqday Puntland)
2. Wasiirka Arrimaha dibada ee dawladda
Faderaalka Yuusuf Garaad Cumar (Safiirkii
Somalia ee QM)
3. Wasiirka Amniga Qaranka ee dawladda
Faderaalka Cabdullaahi Sanbaloolshe (Safiir
hore Turkiga Xildhibaan)
4. Wasiirka Maaliyadda ee dowladda Faderaalka
Cabdiraxmaan Ducaale Beyle (Wasiir hore,
haddana ah Xildhibaan baarlamaan)
5. Wasiirka Warfaafinta ee dawladda Faderaalka
Eng Cabdiraxmaan Cumar Yariisow ( Wasiir
hore, Lataliye Madaxweyne)
6. Khadiijo Maxamed Diiriye & Cabdiraxmaan
Xoosh Jibriil ayaa kamid ah Golaha cusub
wasiirada aad bay u badanyihiin waxaana
muuqata in xukuumaddan ay isbedel weyn la
imaan doonto maadama wasiiradda ay ku
yimaadeen nidaam aan horay looga baran
siyaasadda iyo awood qeybsiga dowladda
soomalia.
Lasco goordhaw liiska oo dhameystiran
Maxamed daacad muqdisho
[email protected].

COMMENTS