May 16, 2017 | Posted by admin

Wasaarada Waxbarashada Xukuumada Soomaaliya ayaa soo saartay jadwalka Imtixaanka mideysan ee Dugsiyada sare, waxaana imixaankan lagu wadaa in uu si rasmi ah u bilowdo maalina sabtida ee ku beegan 20-ka bisha may.

Jadwalka ay soo saartay Wasaarada Waxbarashada Xukuumada Soomaaliya ayaa lagu cadeeyay sida ay u kala horeeyaan maadooyinka imtixaanka looga qaadayo ardayda iyo saacadaha imtixaanka loo fadhiisan doono.

Imtixaanka Mideysan ee sanadkan ayaa si isku mid ah uga dhacaya gobolada dalka Soomaaliya gaar ahaan goobaha ay dowlada maamusho, waxaana sanadkan imtixaanka u fadhiisanaya in ka badan 23-kun oo arday.

jadwa

COMMENTS