October 26, 2014 | Posted by admin

Xasan-iyo-Cabdi
Shalay subax (25-10-2014) R/wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa soo saaray qoraal uu isku shaandheyn kula sameeyey qaar ka mid ah xubnaha golaha wasiirada, arrintaas oo saameysay saaxiibka 1-aad ee madaxweyne Xasan Sheekh ninka lagu magacaabo Faarax Sheekh C/qaadir oo laga qaaday xilka wasiirkii Cadaalada iyo Arrimaha Dastuurka, waxaana loo dhiibay xilka wasiirka Xanaanada Xoolaha.

Xalay fiidkii, madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si cad u diiday isku shaandheyntaas, wuxuuna faray wasiir kasta inuu hayo shaqadii uu horay u hayey, isagoo talaabada R/wasaaraha ku tilmaamay mid aan dastuuri aheyn.

Madaxweyne Xasan ayaa bayaanka kazoo baxay xafiiskiisa ku sheegay inuu muddo dheer u dulqaadanayey falal qalafsan uu sharci hareer-mar ah oo uu R/wasaaruhu ku kacay, marka akhrisite waxaa lama huraan ah in la ogaado cidda dasruutka hadda jira uu siinayo awoodda xil ka qaadista wasiirada.

Maxaa Dastuurka Soomaaliya ka qabaa arrintaan?

Doqobada 90-aad iyo 100-aad ee dastuurka Soomaaliya ayaa qoraya qodobo isku qasaya awoodda madaxweynaha iyo R/wasaaraha, waana tan keentay in Cabdi Weli Sheekh ku dhaqaaqo xil ka qaadis iyo magacaabis wasiiro isagoo aan la tashan madaxweynaha.

Sidoo kale, waxaa qodobadaani keeneen in madaxweyne Xasan ku doodo in R/wasaaruhu xil ka qaadista sameeyey inagoo aan la tashan madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ah.

Akhri qodobada awood siinta R/wasaaraha:

Qodobka100aad: Xilka iyo awoodda Ra’iisul-wasaaraha

Awoodaha Ra’iisul-wasaaraha waa:

(a) Madaxa Xukuumadda Federaalka ah

(b) Magacaabista iyo xil ka qaadista xubnaha Golaha wasiirada

(c) Horgeynta Golaha Shacabka xubnaha Golaha Wasiirada iyo barnaamijka xukuumadda si ay u ansixiyaan.

(d) Inuu qabto howlaha kale ee loogu xilsaaray dastuurka ama sharci kale ee waafaqsan dastuurka iyo qiyamkiisa.

Marka la eego faqrada (b) ee qodobkaan oo ah, shardi maaha in R/wasaaruhu la tashado madaxweynaha ama cid kale marka uu xil ka qaadayo wasiir ama soo magacaabayo. Qodobkaan ayaana sida muuqata ah mid uu ku doodi karo R/wasaare Cabdi Weli oo isku shaadheynta sameeyey isagoo aan la tashan madaxweyne Xasan Sheekh.

Akhri qodobada awood siinta Madaxweynaha:

Qodobka 90aad: Xilka iyo awoodaha madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya

Awoodaha iyo xilka madaxweynaha waxaa ka mid ah:

(a) Wuxuu ku dhaqaaqaa xaalad degdeg iyo xaaladda dagaal si waafaqsan sharciga

(b) Waa taliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida

(c) Wuxuu magacaabaa taliyaasha ciidamada heer federal iyo ka qaadista xilalkooda marka ay soo jeediyaan Golaha Wasiirada.

(d) Wuxuu magacaabayaa xilka wasiirka koowaad, wuxuuna xilka ka qaadayaa ama kala dirayaa xukuumadda haddii ay weydo codka kalsoonida Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah oo ah cod hal-dheeri ah (50%+1).

(e) Wuxuu xilka ka qaadayaa Wasiirrada, Wasiiru-dowlayaasha, Wasiir-ku-xigeenada, markuu soo jeediyo wasiirka koowaad.

Marka la eego faqrada (e) ee qodobkaan, waxaa xil ka qaadista wasiirada iska leh madaxweynaha, waxaase shardi ah in marka hore uu soo jeediyo wasiirka koowaad oo loola jeedo R/wasaaraha. Qodobkaan ayaa ah mid uu ku doodi karo madaxweyne Xasan Sheekh, oo leh “Waa khalad in R/wasaaruhu xilka ka qaado wasiir isagoo aan ila tashan”.

Khilaafka u dhaxeeya madaxweynaha iyo R/wasaaraha ayaa ah mid ka dhashay dastuurka, kaasoo markii horaba isku qasay awoodahooda, marka waxaa dadka sharciga wax ka yaqaana rumeysan yihiin in arrintaan ay sii adkaan doonto.

COMMENTS
  1. With havin so much written content do you ever run into any problems of plagorism or copyright infringement? My website has a lot of unique content I’ve either created myself or outsourced but it appears a lot of it is popping it up all over the internet without my permission. Do you know any techniques to help protect against content from being stolen? I’d truly appreciate it.

  2. Hello! This is my 1st comment here so I just wanted to give a quick shout out and tell you I truly enjoy reading your blog posts. Can you recommend any other blogs/websites/forums that go over the same topics? Thanks for your time!

  3. Have you ever thought about including a little bit more than just your articles? I mean, what you say is important and everything. However think of if you added some great visuals or video clips to give your posts more, “pop”! Your content is excellent but with pics and videos, this website could certainly be one of the very best in its field. Terrific blog!

  4. ninja master said:

    Currently it appears like Drupal is the preferred blogging platform available right now. (from what I’ve read) Is that what you are using on your blog?

  5. Have you ever thought about adding a little bit more than just your articles? I mean, what you say is fundamental and everything. However just imagine if you added some great images or videos to give your posts more, “pop”! Your content is excellent but with pics and videos, this site could undeniably be one of the best in its field. Wonderful blog!

  6. Howdy! Do you know if they make any plugins to safeguard against hackers? I’m kinda paranoid about losing everything I’ve worked hard on. Any recommendations?