February 18, 2015 | Posted by admin

Washington – Takhaatiirta ka tirsan qaybta la dagaalanka sunta ee Cisbitaal Arizona oo ku yaalla dalka Maraykanka ayaa qaabilay Nin ay Abeeso ka qaniintay carrabka oo ugu yimi in ay daweeyaan.

In abeeso ay ruux qaniintaa waa arrin caadi ah oo in badan aynu sheeko ku maqalnay, ama shaahid qaarkeen u soo ahaaeen .. marar badan ayaanay takhaatiirtani la kulmeen xaalado tan la mid ah oo loo keenay dad xayawaanno kala duwani qaniineen, laakiin arrintan markan cusub ee takhaatiirta cisbitaalka Arizona ay fahmi waayeen waxa ay tahay, sida ay ku dhacday in abeesadani ay ninkan carrabkiisa ku gaaro oo ay kadibna qaniinto. Si ay arrintaas wax uga ogaadaan ayey waraysteen dhibbanihii oo cisbitaalkooda u dhex jiifa.

Jawaabta uu ninkan dhaawaca ahaa siiyey takhaatiirta iyo dadkii kale ee ku xeernaa ayaa noqotay mid maadays aad mooddo oo ruux kasta oo su’aashaas is weydiinayey iyo intii maqashayba qosol gelisay .. Ninkan abeesadu qaniintay waxa ay noqotay in uu doonayey in uu abeesadan dhulka ka qaatay isaga oo doonaya in uu dhunkado, laakiin ay fahmi weyday oo ay cadow u fahamtay isla markiibana carrabkiisa ay ka aargoosatay.

Intaa lagagama harin ee takhaatiirtii iyo dadkii kale ee qisadan la socday waxa ay bukaankan si aad ah uga codsadeen bal in uu uga waramo sababta uu u xiisaynayey dhunkashada abeesada, jawaabta uu ninkii bixiyeyna waxa ay noqotay, “Midabbada iyo xararka quruxda badan ee abeesadan ayaa aan aad uga helay, sidaa awgeed. aniga oo isku dayaya in aan dhunkado ayaa ay i qaniintay”

COMMENTS