June 8, 2015 | Posted by admin

Qisadan oo ka mid ah qisaska Carabtii hore, waa sheeko maadays ah, balse aanay muhiimmaddeedu ku koobnayn qosol kaliya balse laga dheehanayo xikmad dhowr ah oo kala duwan.

Nin aad u bakhayl ahaa ayaa maalin maalmaha ka mid ahayd waxaa marti ugu yimid nin ay saaxiibo aad isugu dheer ahaayeen. Bakhaylkii markii uu arkay saaxiibkii oo maanta ugu yimi marti ayaa inta uu u dhawaaqay inankiisii, waxa uu ku yiri, ” inankaygiiyow waxa maanta inoo jooga marti igu qaali ah oo qalbigayga ku weyn, orod oo kilo hilib ah oo aad u fiican soo iibi si casho fiican loogu sameeyo”

Inanka yar ee uu bakhaylku dhalay, waxa ku duxay hiddaha iyo ababinta bakhaylnimadu ku badan tahay ee aabihii, duruus badan oo wax lexejeclee iyo dhayal wax ha ku bixin ahna waa uu ka qaatay, laakiin waxaa intaasba ka daran oo u dheerayd, waxa uu ahaa damiin.

Wiilkii inta uu aabihii ka qaaday lacag aad u yar ayaa uu u kicitimay dhanka Suuqa. Laakiin muddo markii uu maqnaa ayaa uu mar dambe soo noqday isaga oo fara maran. Aabihiisii bakhaylka ahaa ayaa weydiiyey, “Waar Hilibkii aan ku iri soo iibi aaway?”

Inankii yaraa ayaa ku jawaabay, “Hiliblihii ayaan u tegey, oo aan ka dalbaday in uu iga iibiyo hilibka ugu fiican ee uu hayo, markaasuu igu jawaabay, “Waxa aan maanta ku siinayaa hilib shilis oo aad subag mooddo” Markiiba waan tashaday oo waxa aan is iri intii uu ku siin lahaa hilib subag ah, maad iibsatid subagga laftiisa oo dabcan ka qiimo jaban. Waxa aan u tegey dukaankii oo aan ka dalbaday in uu iga iibiyo subag saafi ah oo wanaagsan, laakiin ninkii waxa uu igu jawaabay, “Waxa aan kaa iibin subag ka saafisan xareedda” Markaasaan naftayda la faqay oo aan isu sheegay in gurigeennaba ay yaalleen biyo xareed ah, oo haddii ay xareed inoo tahay aynu iyaga iska isticmaalno”

Ninkii bakhaylka ahaa markii uu hadalkaa wiilkiisa dhegeystay, kama uu fikirin faro marnaanta uu inankiisu la soo noqday iyo saaxiibkiisa martida u ah ee qatanaanta ku dhacaya, danna kama uu gelin ceebta iyo qaladka uu wiilkiisu sameeyey balse bakhayl-nimadiibaa ka xoog badatay oo waxaa uu markiiba ka fikiray, maadaama oo uu inankiisii dhowrkaa dukaan ee kala durugsan maray, in kabihii uu dhowaan lacagta u soo siiyey ay dhaqso u duugoobi doonaan.

Isaga oo wiilkiisa canaananaya ayaanu yiri, “Inta aad kolba dukaan tegeysay miyaanad ka fikirin kabahaaga cusub?”

Laakiin waa wiil uu tababaray oo isagaba dhibco dheereeyey bakhaylnimada ee waxa uu markiiba inankiisii isaga oo aan isba dhibin ugu jawaabay, “Maya, aniguba waan garanayey dhibaatada socodkaa badani ku keeni karo kabahayga, oo marka horeba waxa aan sii xirtay kabihii martida si aan kuwayga ugu dhawrto”

COMMENTS