March 1, 2015 | Posted by admin

Dowladda Soomaaliya uga qeybgelaya wadahadalka ayaa gaaray magaalada Istandul ee dalka Turkiga, halkaasoo uu berri ka furmayo wadaxaajoodka dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.

Wafdiga dowladda Soomaaliya u dirtay wadahadalka ayaa waxaa hogaaminaya Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Odawaa, halka ay xubno ka yihiin Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Cali Axmed Jaamac Jengeli, Wasiirkii hore ee gaadiidka iyo duulista Hawada Saciid Qoorsheel iyo xubno kale.

Waxaa iyaguna horay u gaaray magaalada Istanbul wafdiga maamulka Somaliland, oo uu hogaaminayey Wasiirka Arrimaha Dibadda maamulkaas, Maxamed Biixi Yoonis, islamarkaana ay xubno ka ahaayeen Wasiirka Beeraha, Faarax Cilmi Geedole, Wasiirka Duulista iyo Hawada, Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Cabdi Aw Daahir, Guddoomiye Ku-xigeenka Kowaad ee Golaha Wakiilada, Baashe Maxamed Faarax, Guddoomiye Ku-xigeenka Kowaad ee Guurtida, Siciid Jaamac Cali, Xildhibaan Kijaandhe iyo Xildhibaan ka socday Golaha Guurtida.

Wada hadalka labada dhinac ayaa loogu talagalay iney socdaan labo maamlood oo kala axadda iyo Isniinta.

COMMENTS