October 12, 2016 | Posted by admin

Ciidanka maamulka Ahlusunna iyo ciidamada kale ayaa  dagaal kula wareegay deegaanka Godinlabe ee Galgaduud ka dib dagaal ay la galeen ciidanka Nabad suggida maamulka Galmudug.

Afhayeenka maamulka Ahlusunna Mursal Xeefoow ayaa sheegay in ciidanka maamulka Galmudug ay ka qabteen maxaabiis , islamarkaana dhawaan ay usoo bandhigi doonaan warbaahinta.

Ciidanka maamulka Galmudug ayaa lagu soo waramaya in ay dib uga soo baxeen magaalada , islamarkaana ay joogaan meel ku dhow deegaanka Godinlabe oo dirirtu ka dhacday.

Ciidanka maamulka Galmudug ayaa doonaayay in ay qaadaan isbaarooyinka yaalla duleedka deegaanka Godinlabe sida aan wararka ku helnay.

Maamulka Galmudug wili ma aysan ka hadlin wararka ka soobaxay ahlusuna oo ku aadan in ay maxaabiis ka qabteen maamulka galmudug islamarkaana ay la wareegeen deegaanka godinlabe.

COMMENTS