December 2, 2017 | Posted by admin

Wararka ka imaanaya Dalka Jabuuti ayaa sheegaya in Ahlu sunna ay heshiiska Galmudug ku xirtay afar qodob oo adag, Kuwaas oo Laga yaabo in ay Dib u dhigaan Heshiiska labada dhinac.

1-in laga guuro magaca Galmudug maadaama aysan iyagu aqoonsaneyn isla markaana la sameeyo magac cusub oo laga tala geliyo.

2-in la badado canka hada Galmuudg astaanka u ah laguna bedelo mid cusub oo laga wada tasha doono hada kadib.

3-in xildhibaanadu ay noqdaan tiro isla ek taas oo wadarta guud ka dhigeysa 178 mudane

4-in la doorto Ma’uul u dhigma R/wasaare oo soo dhisa dowlad isku dhaf ah hadiiba lagu heshiiyo waxana uu qaba doonaa mas’uulkaani shaqada madaxweynaha .

Afartaan qodob ee la sheegay in madaxda ahlu sunna shirka Jabuuti uga qeyb galeysa ay soo bandhigeen suurta geli kara in waqti kale uu shirku qaato.

Maxamed daacad Muqdisho.

Mxuseen973@gmail.com

COMMENTS