August 30, 2014 | Posted by admin

Agaasimahii hore ee Hay’ada Nabadsugida iyo Sirdoonka Somalia Ahmed Macalin Fiqi ayaa bartiisa Facebook ku qoray warbixin uu si adag uga hadlay weerarka Ciidanka Somaliland ay ku qaadeen Degaanka Saaxdheer xilli Caleemasaarka Madaxweyne Galeydh uu ka socday. Ahmed Macalin Fiqi wuxuu si adag u naqdiyay awood ku faanka Somaliland ee gardarada qaawan ku dhisan hasse yeeshee wuxuu taageero u muujiyay qadiyada Khaatuma state of Somalia.isagoo qoraalkiisa ku bilaabay sidaan:-
Haddii si qoto dheer loo eego dooddii 20-kii sano ee u danbeysey ay wadeen reer Somaliland ee aheyd in ay go’aanka aayaha deegaanadooda ay qaateen, taasna ay keentey in gooni ay uga istaageen Soomaaliya inteedii kale, ayagoo go’aankooda sabab uga dhigey dhibaatooyin ka soo gaarey rajiimka milateriga ee Soomaaliya xukumayey Oct 1969 illaa Janaayo 1991.. Maxaa diidaya in xukunka Somaliland ay ka madax banaanaadaan reer Khaatumo mar haddii ay arintii taagan tahey in xoog la isku jajuubo, lana adeegsado ciidan xooggan oo weerar ku ekeeyey goob xafladi ka socotey, lagana hortago maamul ay gooni u yeelanayeen reer Khaatumo.
Waxaan aaminsanahey in Soomaaliya midnamadeeda aan dood la gelin karin, isla markaana waxaan ka mid ahas dadka sida gaarka ugu garaabi jirey dhibaatooyinka loo geystey walaalaheen Somaliland iyo deegaanada kale ee Soomaaliya ka mid ahaa, laakin kama marqaati noqon karno in wixii ay ka cabanayeen oo kale ay ayaguna kula kacaan dad deegaankoodii arimihii khuseeyey ka arrinsanaya.. waxaan soo dhoweyneynaa in Khaatumo ay hesho xaqqeeda ah in ay ka taliso deegaanada ay ka soo jeedo, waxaana Somaliland ugu baaqi lahaa in ay xoog wax ku raadinta joojiso iyo colaad ka abuurka dad walaalo ah oo deegaan wada degan..
Waxaan taageerayaa Khaatumo State oo calanka buluugga ah ee Soomaaliya ka taagtey deegaanadeeda, waxaana dawladda dhexe ee Soomaaliya looga fadhiyaa in ay si ficil ah u dhiiro-galiso isla markaana taageerto midnimada Soomaaliya iyo cidda wadda ayadoo la sii xoojinayo wadahadalkii midnimada lagu soo celinayey ee lala wadey maamulka Soomaaliland..
By Ahmed Macalin Fiqi.

COMMENTS