June 25, 2015 | Posted by admin

Wafuud ka kala socoto 22 dowladood oo Afrikaan ah iyo 16 waddamo kale ayaa maanta ku kulmayo magaalada Nairobi ee dalka Kenya, si ay uga arrinsadaan qaababka ugu habboon ee looga hortagi karo xagjirnimada ka jirta qaaradda Afrika.
Kenya ayaa waxaa saaran cadaadis ah in ay ka hortagto weeraro uga imaanya kooxda islaamiga ah ee Al-Shabaab.
Kulankani oo mareykankuna uu taageerayo ayaa waxa uu daba socdaa mid horey uga dhacay Washinbgton bishii Febraayo ee sanadkan.
Inta badan waddamadani ku lug leh shirkani ayaa waxa ay wajahayaan halis gudaha ah oo uga imaanayo kooxo xag-jir islaamiyiin ah.

COMMENTS