Afar dhallinyaro oo ka tirsanayd maleeshiyada Al-Shabaab ayaa lagu soo warramayaa inay maanta isku soo dhiibtay ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya ee ku sugan degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose.
Col. Maxamed Cabdullaahi Yuusuf oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda KMG ah ee ku sugan Afmadow ayaa Bar-kulan u sheegay in dhallinyarada ka soo baxsatay Al-Shabaab ay ku sugnaayeen saldhig ay maleeshiyadu ku leedahay degmada Xagar ee gobolka Jubbada hoose
Col. Maxamed ayaa sheegay in dhallinyarada la geeyay goob loogu talagalay dhallinyarada ka soo baxsata Al-Shabaab.
Tan iyo markii ay ciidamada huwanta ah qabsadeen magaalada Afmadow waxaa isa soo taraya dhallinyarada ka soo goosanaysa maleeshiyada Al Shabaab. Isugeyn waxaa isa soo dhiibtay ilaa 20 dhallinyaro ah.

All Posts
BBC 0400 GMT









