March 12, 2012 | Posted by admin

Afhayeenka guud ee ururka Al-shabaab Sh.Cali Maxamuud Raage ayaa sheegay in dagaalka ay kula jiraan ciidamada Kenya iyo kuwa Itoobiya ee Soomaaliya usoo talaabay uusan joogsan doonin.

Wuxuuna intaas ku daray inay dagaalka sii wadayaan ilaa iyo inta ay ciidamadaasi dalka Soomaaliya ka baxayaan dibna ugu noqonayaan dalalkii ay markii hore ka yimaadeen.

Cali Dheere ayaa tilmaamay in ujeedada Kenya iyo Itoobiya ay cidamadooda Soomaaliya ugu direeni ay tahay sidii ay u qabsan lahaayeen dhulka Soomaaliyeed ugana faa’iideysan lahayeen xeebta dheer ee  ku dherersan.

Afhayeenak Al-shabaab ayaa intaas raaciyey in dagaalka ay ciidamada Kenyo iyo kuwa Itoobiya kula jiraani uu yahay mid ay uga gol leeyihiin sidii ay Kenya iyo Itoobiya uga horjoogsan lahaayeen inay gumeystaan dadka Soomaaliyeed ee muslimka ah waa sida uu hadalka u dhigaye.

Hadalka kasoo baxay ururka Al-shabaab ayaa kusoo beegmaya xilli ay beryihii u danbeeyey dagaalo xoogan oo dhex maray iyaga iyo ciidamada DKG oo kaashanaya kuwa Itoobiya ka dhaceen gobolada Baay iyo Gedo.

COMMENTS