May 7, 2011 | Posted by admin

(SONNA)- Afhayeenka Wasaaradda Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/fitaax Cabdi Nuur ayaa faah faahin ka bixiyey  booqashooyinkii madaxda Soomaaliya  ay ku tageen dalka Dibaddiisa iyo guulaha ay ciidamada qaranka Soomaaliyeed ka soo hooyeen howlgalladii ugu dambeeyey ee ay ka fuliyeen Gobollada dalka.
Mudane C/fitaax Cabdi Nuur islamarkaana ah Agaasimaha Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheegay in booqashooyinkaasi mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya ay ku tageen wadamo ka tirsan caalamka ay u jeedkoodu ahaa, in la sii xoojiyo xiriirka dhinacyada badan leh ee ay wadaagaan Soomaaliya iyo wadamada ay haatan booqashada ku tageen siiba dhanka iskaashiga iyo ganacsiga.

Afhayeenka ayaa dhanka kale ka warbixiyey booqashada R/wasaaraha Soomaaliya ee Magaalada New York wuxuuna sheegay inay ku saleysantahay saddax arrimood oo ay kala yihiin xaaladaha dhinacyada beni’aadannimada, siyaasadda iyo sidii gacan looga siin lahaa sugidda ammaanka dalka oo ay haatan xukuumaddiisu mudnaanta koowaad siineyso.

Sidoo kale mudane C/fitaax waxa uu tilmaamay in wasiirka warfaafinta, Boostada iyo isgaarsiinta Mudane C/kariim Xasan Jaamac uu dhameystay socdaalkii uu ku joogay magaalada Roma ee xarunta dalka Talyaaniga uuna gaaray magaalada New York ee dalka Maraykanka, kulamadii madaxda talyaaniga uu la qaatayna ay ku soo dhamaadeen guul, ayna u ballan qaadeen inay gacan ka geysan doonaan dib u qalabeynta Tv-ga Qaranka, Radio Muqdisho iyo Wakaaladda wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA, ayna si wanaagsan isku afgarteen dhammaan qodabadaasi.

Afhayeenka Wasaaradda Warfaafinta Mudane C/fitaax Cabdi Nuur ayaa sidoo kale ka hadlay heegankii dhawaan la geliyey xukuumadda Soomaaliya ay gelisay dalka kaasi oo uu ku sheegay inay ku saleysanyahay sidii loo adkeen lahaa guud ahaan ammaanka dalka loogana hortagi lahaa falalka ay maleegayaan maleeshiyada argagixisada  ee Al-Shabaab ee xiriirka la leh ururka Al-qaacidda maadaama dhawaan laga taqalusay hogaamiyii ururkaasi ee Osama Bin Laden, waxaana uu intaa ku daray in ciidamada dowladda Soomaaliya ay haatan ku jiraan feejignaantii ugu sareysay

Agaasimaha Wakaaladda wararka Qaranak Soomaaliyeed ee SONNA waxaa kaloo uu ka hadlay guulaha ay ciidamada ka soo hooyeen howlgalladii dhawaan ay ka fuliyeen Gobollada dalka, isagoo intaa raaaciyey in ay jiraan maleeshiyaad ka tirsanaa Al-Shabaab oo isku soo dhiibay gacanta dowladda Soomaaliya.

Source: SONNA

COMMENTS