December 12, 2012 | Posted by admin

Afhayeenka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Prof Maxamed Cismaan Jawaari ayaa shaaca ka qaaday in baarlamaanka dalka uu guddi gaar ah u saari doono diyaarinta iyo sameynta xeer lagu maamulo saxaafadda Soomaaliya oo uu sheegay in ay dhibaato qabaan iyagana ay dhibaato geystaan.

Gudoomiye Jawaari oo ka hadlay  ayaa wuxuu sheegay in wariyaasha ay u baahan yihiin sharci haga iyo mid iyaga dhowra.

“Arrinta wariyaasha waxay noqotay dhibaato taagan ,iyagana waa lagu xadgudbaa iyagana dadka ayay ku xadgudbaan, marka si taasi looga baxo waxaan filayaa inaa guddiyo arimahaasi qaabilsan u saari doono.” ayuu yiri afhayeenka.

Mudane Jawaari ayaa intaa sioi raaciyey in loo baahan yahay in wariyaasha xuquuqdooda la dhowro mar kasta.

“Dhaliilo baan ayaa ka jira labada dhinac [dawlada iyo saxaafadda], suxufiiyinta oo aan la ixtiraamin iyo suxufiyiinta laftooda oo aan ixtiraamin dawlada.” ayuu sii raaciyey Prof Jawaari hadalkiisa.

Wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya C/xakiin Maxamuud Fiqi su’aalo kaga weydiiyey xarigii wariyihii idaacadda BBC-da bishii lasoo dhaafay ayaa wuxuu sheegay in wariye Ibraahim Maxamed Aadan uu ahaa nin aan qabin tababar saxaafadeed oo shaqada ku cusbaa sidaa darteedna uu galay khalad ka dhan ah ciidamada kaasoo markii dambe BBC-du ay raaligelin ka bixisay.

Wasiirka waxaa kaloo uu sheegay in dawlada ay wado sidii nidaam loogu sameyn lahaa warbaahinta oo uu sheegay in mudadii burburka ay soo shaqeeyeen.

Dhanka kale wasaaradda warfaafinta ayaa toddobaadkan shaaca ka qaaday  iyadoo wariyaashana la siin doono shuruuc ay ku shaqeynsan karaan lagana doonayo lacag canshuur ah.

Si kastaba ururada saxaafadda iyo wariyaasha ayaa dalbanaya inay qeyb ku yeeshaan shuruucda loo sameynayo si aysan u noqon sharci dawlada danaheeda oo kaliya ka hadla.

COMMENTS