July 15, 2017 | Posted by admin

Hal sano ayaa ka soo wareegatay afgambigii dhicisoobay ee dhacay habeenkii 15-ka July, xilligaas oo koox mucaarad ah oo uu hoggaaminayay Wadaadka lagu magacaabo Fethullah Gulen ay isku dayeen inay xukunka ka tuuraan Madaxweyne Recep Tayyib Erdogan.

Ciidamo fara badan oo ka tirsan kuwa milateriga ayaa durbaba bilaabay dhaq dhaqaaq, iyagoo xiray buundada weyn ee Istanbul, xarumo kale iyo idaacada iyo telefishinka dowladda, waxaana meelaha qaar ka dhacay isku dhacyo kala duwan.

Saraakiil ciidan oo uu ka mid ahaa Taliyihii Ciidamada Milateriga Turkiga ayaa lagu afduubtay xeradooda, iyadoo is rasaaseyn ay dhex martay ciidamada afgambiga waday iyo kuwii ka soo horjeeday.

Diyaarado dagaal ee ay adeegsanayeen mucaaradka ayaa waxay duqeeyeen goobo dhowr ah oo ka mid ah xarunta Baarlamaanka dalkaas.

Xilliga Afgambiga dhacayay Madaxweynaha Turkiga ayaa fasax ku maqnaa, waxaana jiray isku day shirqool ahaa oo la doonayay in lagu khaarijiyo, laguna duqeeyo hotelkii uu degenaa, hase ahaatee waa uu ka bad baaday isku daygaas, isagoo si deg deg ah uga soo degay garoonka diyaaradaha Istanbul.

Madaxweynaha Turkiga ayaa ugu baaqay shacabka dalkiisa inay muujiyaan dibad bax ay ku diidan yihiin isku dayga afgambiga, waxaana kaddib bilowday in kumanaan shacabka Turkiga ay isku soo baxaan waddooyinka.

Kumanaan ruux ayaa soo buuxiyay buundada Istanbul, waxaa ay calanka Turkiga ay dul sureen gawaarida Ciidamada Milateriga ee ay xalay ku gooyeen Buundada, iyagoo isku dhigay taangiyada ay wateen ciidamada afgambiga.

Intaas kaddib dowladda Turkiga ayaa dib ula wareegtay awoodii dalka, iyadoo kaashaneysay shacabkii taageerayay, waxaana isu soo baxyada ay aad u gil gileen dhamaan magaalooyinka dalkaas.

Dowladda Turkiga ayaa ku eedeysay in isku dayga afgambiga fashilmay uu ka dambeeyay Wadaadka lagu magacaabo Fethullah Gullen, oo ku sugan dalka Mareykanka, iyadoo ka dalbatay in lagu soo wareejiyo.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan oo hadlay subaxnimadii 16-July ayaa sheegay in cawaaqib adag ay la kulmi doonaan kuwii ka dambeeyay afgambiga.

Maxamed daacad Muqdisho.

[email protected].

COMMENTS