October 6, 2014 | Posted by admin

affey660
Danjiraha Urur Goboleedka IGAD u qaabilsan Soomaaliya, Maxamed Cabdi Afey ayaa sheegay in Erayga ay adeegsadaan dadka mucaarada maamulada ama dowladaha loo dhiso Soomaaliya ee “Looma Dhamo” uu yahy isbaaro loo dhiganayo qaranimada dalka Soomaaliya.

Afey oo saaka wareysi siiyey BBC ayaa ku taliyey in baarlamaanka Soomaaliya uu sharci kasoo saaro dadka mar kasta mucaarada dowladaha ama maamulada dalka ee la dhiso.

“Erayga Looma Dhamo wuxuu u muuqdaa mid caado ka noqday Soomaaliya oo ka dhigan Isbaaro loo dhiganayo qaranimada Soomaaliya iyo dhismaha dowlad qaran” ayuu yiri Afey.

Wuxuu sheegay Danjire Afey in laga soo bilaabo shirkii Carta ee sanadkii 2000 ilaa hadda ay Soomaaliya ka socota “Looma Dhamo”, arrintaasina tahay mid u baahan in laga gudbo.

Hadalka Afey ayaa kusoo beegmay xilli Kismaayo lagu soo gebagebeeyey shir la sheegay in lagu heshiisiiyey beelaha dega Jubooyinka iyo Gedo, inkastoo shir kale oo shirkaas kazoo horjeeda uu ka bilowday magaalada Garbahaarrey.

COMMENTS