July 26, 2016 | Posted by daacad yare

Afayeenka maamulka gobalka Banadir Cabdifitaax Cumar Xalane Oo La hadlay Radio banadir ayaa sheegay in labadii qarax ee maanta ka dhacay agaagarka garoonka diyaaradaha ee muqdisho ay ku geeriyoodeen 13 ruux dhaawacuna uu gaarayo 5 qof

Sidoo kale afyahaheenka yaa sheegay in ay baarayaan dadka qasaaraha soo gaaray in ay kala yihiin dad shacab ah ciidamada dowlada iyo AMISOM

Waxa uu sheegay xalane in ciidamada dowlada ay celiyeen gaariga qasaaraha badan dhaliyay ka dibna goobtaas uu isku qarxiyay.

Waxaana halkaasi ka dhacay laba qarax oo is xig xiga oo ka dhacay iridka hore ee garoonka diyaaradaha muqdisho.

COMMENTS