December 25, 2012 | Posted by admin

Afar ruux ayaa dhimatay, sagaal kalena way dhaawacmeen kaddib markii maleeshiyo ka tirsan al-Shabaab la sheegay inay rasaas ku fureen goob aroos uu ka socday oo ku taalla deegaanka Qurcood – oo 25 KM u jirta degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay oo isugu jira rag iyo dumar ayaa waxa la sheegayaa inay badankood ahaayeen dad joogay goobta arooska uu ka socday.

Horjooge la sheegay inuu al-Shabaab u qaabilsan yahay deegaanka Qurcood ayaa ka digay in loo gurmado dadka ay waxyeelladu soo gaartay, taasoo dad badan ay la yaabeen.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dadka dhaawacmey oo qaarkood xaaladdooda halis tahay loo qaaday magaalada Muqdisho.

COMMENTS