April 8, 2012 | Posted by admin

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo xalay kulan casho sharaf ah Aqalka Madaxtooyada kula qaatay Saxafiyiinta Muqdisho iyo Koox fanaaniin ah ayaa ku tilmaamay qaraxii ka dhacay Arbacadii inuu ku dhacay qalad xumo ka yimid Wasaarada Warfaafinta.

“Inta aan la is weydiin su’aalaha meesha la yiraahdo Tiyaatarka iyo sida wax uga dhaceen, waxay ka bilaaban karaan inta aan la abaabulin Xaflada, waxaan dhahnay inta aan meesha la tagi qorshe noo keena aan aragno sababta waxa waaye xaaladahan oo kale marka la gaaro waa inaa u fikirtaa siyaabo badan”ayuu yiri Madaxweyne Shariif.

“Aniga waxaan aaminsahahay in qorshihii loogu tala galay inaan loo sameyn, si dadka u badbaadaan, sababaha aadka la isku weydiinayo waxaa ka mid ah, Booliska looma sheegin Nabadsugida looma sheegin, markaa u Hey’adaha amniga u tagnay oo aan weydiinay waxay na dhaheen hal hey’ad oo loo sheegay ma jirto”ayuu yiri.

Madaxweyne Shariif ayaa sheegay in qaladka meesha uu ka bilowday ay ugu wacneyd Farsamo xumo, isagoo xusay in macluumaadka u horeeya ee la helayo ay muujinayaan in qorshe loogu tala galay aanay jirin, isagoo ka dhawaajiyay in isaga uu casuunaa.

“Waxaa xaqiiq ah, Infiitiyonka la bixiyay, tiro ma laheyn, Tiimbaro ma laheyn, iyo magacyo ma leh, intaas waxaa sii dheer nin Xildhibaan ayaa arkay wuxuu i dhahay waxaa ley keenay 10-Infiito, nin kasta hadii la siiyo, maxaa ka imaan karan, Inta aan xaflada la qaban go’aan golaha wasiirada laga soo saaray ayaa jiray, isu imaad ama xaflad marka la sameynayo in la soo wargeliyo Hey’adaha amniga, marka hadii hey’adaha amniga wax loo sheegin oo aan la wargelin laga diyaar garoobin, eeda yaa la saaraa, cida la saarayo aniga ma aqaan”ayuu yiri Madaxweyne Shariif oo hadaladiisa u muuqdeen kuwo uu eed ku saarayay Wasaarada Arrimaha Gudaha, isagoo hadalkiisa ahaa mid uu ugu jawaabayay gabay uu xalay kulanka ka jeediyay Abwaan Guure oo halku dhigiisu ahaa Inanta Yaa Casuumay.

Madaxweyne Shariif ayaa sheegay inay soo xusuusisay dhacdadan tii 2009-kii ee ka dhacday Hotel Shaamow, isagoo tilmaamay in markii ay ka tageen Prof, Caddow iyo wasiiradii kale, markii qaraxa dhacay ee lagu soo wargeliyay ay qaadan waayeen, waxaana uu tibaaxay in halkaas ay ku dhalatay Mas’uuliyad daro dhanka ammaanka sida uu yiri.

Inkastoo Madaxweynaha uu si horu dhac uga hadlay qaladaadka ka dhashay qaban qaabadii xaflada ayaa hadana waxa auu xusay in Gudiga loo saaray arrintaas baaritaanada ay sameeyeen ay soo bandhigi doonaan.

Ugu dambeyn Madaxweyne Shariif ayaa sheegay in Hey’adaha Dowladda hadii xaflad ay

COMMENTS